“Dawlada Somaliland Way ku Filan Tahay In Dalka Difaacdo” Guddoomiyaha Golaha Guurtida

0
408

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Dawlada Somaliland ay ku filan tahay in dalkeeda ay difaacdo. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu tilmaamay in uu ka xunyahay dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay Magaalada Laascaanood.

Saleebaan Maxamuud Aadan oo arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waanu ka xunahay dadkii ku dhintay Mudaharaadkii Laascaanood gidigeen ayay ka dhinteen reer Laascaanood kamay dhimay,Somaliland waa isku filan tahay cid usoo gurmatana uma baahna iyadaa isku filan. ka marti galin mayno nin markii horeba dal kale u guuray dhagaysan mayno nasteexna kamay talin taladoodu waxa weeye in Somaliland isku dhimato,qabyaalada halaga daayo dawlada waaku filan tahay in dalka ay difaacdo dadweynuhu waa in dalkooda difaacaan oo dawlada waa hogaaminaysaa,”.

Sidoo kale Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa uu waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in xal degdega laga gaadho arinta Laascaanood.Waxaana uu yidhi”Waxa inoo balana in arinta Laascaanood xal degdega u helno,iyada oo mudnaanta koowaad aanu siinayno dadka iyo waxgaradka laascaanood u dhashay.iyagu in gacanta koowaad yeeshaan ayaanu ku talinaynaa si nabed loogu soo dabaalo Laascaanood. dadweynuhu waa iska dagi doonaan waana tusi doonaa in dantooda aanu ka shaqaynayno,”.

 

Leave a Reply