Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo Safar Shaqo ugu baxay Gobolka Sool

0
259

Laascaanod (Dawan)- Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shalay safar Shaqo ugu ambabaxay Gobolka Sool, gaar ahaana Magaalada Laascaanood.

Magaalada Laascaanod oo hore u sii joogeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa la sheegaya in guud ahaan magalada Laascaanood ay haatan xasiloon tahay, isla markaana aanay wax dhibaato ahi ka jirin.

Weftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) iyo Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa la filayaa inay ka qeybqaataan hawlaha xasilinta iyo nabadeynta xukuumadu ballanqaaday inay la kaashanayso waxgaradka iyo odeyaasha deegaanka Sool.

 

 

 

Leave a Reply