Xukumadda oo Xabsiga Mandheera ka sii Daysay 29 Dhalinyaro ah oo Laga soo Xidhay Laascaanood

0
299

Hargeysa (Dawan)- Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegay inay saamaxday dhalinyaro ku jiray xabsiga Mandheera oo lagu eedeynayey rabshadahii ka dhacay magaalada Laascaanod.

Taliyaha xabsiga Mandheera G/Sare Ibraahim Cabdillahi oo ka hadlayey siideynta dhalinyarada ayaa sheegay inuu xabsiga ka siidaayey 29 dhalinyaro oo muddo afar habeen ku xidhnaa xabsiga Mandheera.

Taliyaha ayaa dhalinyarada ku wareejiyey Wasiirkii hore Baashe Cali iyo masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay dawlada Somaliland

Dhalinyaradii la saamaxay oo xaaladooda ka hadlay ayaa sheegay inay caafimaadqab kaga soo baxeen xabsiga, xaaladooduna wanaagsan tahay.

Odeyaashii lagu wareejiyey dhalinyarada oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay uuga mahadcelinayaan Madaxweynaha JSL, aqbalaada qodobadii aanu uula tagnay mid ka mid ah, dhalinayaradana waxay uugu baaqeen inay mustaqbalkooda ilaaliyaan iyo nabadgelyada magaaladooda.

Mar uu la hadlayey dadka qurbajooga iyo kuwa taageerada u muujinaya deegaanka Laascaanod, ayaa sheegay inaanu doonayn in magaalada Laascaanood u burburto sidii magaalooyinkii kale u burbureen,

Dawladda Somaliland waxii naga dhexeeya hadaan beesha Dhulbahante nahay waxaan doonaynaa inuu wadahadal iyo walaalnimmo ku dhamaado. Dawladuna way ogoshahay.

 

 

Leave a Reply