Xukuumadda oo Shaacisay Natijada Baadhis Lagu Sameyeeyay Ceelkii Shidaalka Degmadda Sallaxley

0
222

“Baadhistii lagu sameeyay Ceelkii Baha-dhamal (Degmada Sallaxley) Natiijadii ka soo baxday waxay noqotay in uu Badrool ku jiro Ceelkaas” Wasiirka Wasaaradda Tamarta

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay natiijada baadhistii lagu sameyeeyay ceelkii shidaalka degmada Sallaxley , waxaanay si rasmi ah xukuumaddu ugu dhawaaqday in ceelkaasi uu yahay shidaal rasmi ah.

Wefti balaadhan oo ka socday golaha wasiiradda Xukuumada Somaliland, ayaa shalay kormeerka ku tagay dagmadda Sallaxley iyo deegaanka Baha-dhamal, iyada oo wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax uu halkaasi si rasmi ah uga shaaciyay natiijada baadhistii ceelka Sallaxlay oo uu ku tilmaamay in ceelkii Baha-dhamal uu noqday shidaal.

Weftigan waxa hogaaminayaay wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta, maareeyaha duulista iyo madaaradda, agaasimayaal guud iyo xildhibanno ka tirsan golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii waftigan uu galay magaaladda Sallaxley waxaa soo dhaweeyay kumanaan ka mid ah shacabka reer Sallaxley. Intaasi ka dib masuuliyiintu waxay kulan la yeesheen shacabka Sallaxley waxaana halkaas kala hadlay masuuliyiinta golaha wasiiradda.

Wasiirka Mactanka iyo tamarta Md. Cabdilaahi Faarax, oo halkaasi haday ka jeediyay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in natiijadda ceelkii shidaalka ee laga helay deegaanka Baha-dhamal ay caddayntiisi noqotay shidaal rasmi ah.

Wasiirka Wasaaradda Mactanka iyo tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdillaahi Faarax oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan hadalka ugu horraysiinayaa bushaaro, bushaaradaasi oo ah Baadhistii lagu sameeyay Ceelkii Baha-dhamal Natiijadii ka soo baxday waxay noqotay in uu Badrool ku jiro Ceelkaas.

Dalkeena illaa 1956 waxaa laga baadi-doonayay shidhaal, waxaa ugu dambeeyay shirkaddan hadda inala joogta ee ka masuulka ah ceelka Bahadhamal iyo bariga dalkaba, shirkadaasi oo 17-kii sannadood ee ugu dambeeyay ku mashquulsanayd Saraar, Togdheer iyo gobolkan iyo hareerihiisa, muddadaas oo dhan waxay ku mashquulsanayd in ay xaqiijiso batrool, meel wanaagsan ayay u maraysay, sannadkan ayay bilaabayeen in ay ceelkii qodaan, Illaahay wuxuu ina tusay wixii ay 17-ka sannadood raadinayeen in uu Illaahay ka soo saaro Bahadhamal. Iminka waxay maraysaa in shirkaddu sannadkan bilawday ay ceelkii qodaan.”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Illaahay waxaan ka baryayaa in sannadkan 2023 uu inagu hannuuniyo in aynu khayraadkeena la soo baxno oo uu sida ugu dhakhsaha badan inoogu hanuuniyo in aynu la soo baxno inaga oo wada-jirna in aynu khayraadka dalkeena la soo baxno ee intaas oo sannadood aynu raadinaynay. Illaahay waxaan ka baryayaa in sannadkaa bilaabmay ee 2023-ka in aynu guul weyn ka gaadhno dhinaca wax soo saarka iyo xaqiijinta shidaalkeena, waanay muuqataa waaanay soo baxaysaa.”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JSL Axmed Maxamed Diiriye Toorn oo dadwayanhaha khudbad u jeediyay ayaa isaguna sheegay sheegay in maanta (shalay) ay taariikhda Somaliland ku tahay mid cusub isla markaana ay tahay maalintii u horraysay ee shidaal laga helay deegaan ka mid ah Somaliland, taasina ay nasiib u heshay deegaanka Sallaxley.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somalialnd Axmed Maxamed Diiriye Toorn ayaa sheegay in Somaliland ay maanta u tahay maalin taariikhi ah waxaanu yidhi “Waxa aynu Illaahay ugu mahad naqaynaa in maanta ay tahay maalintii ugu horraysay ee Somaliland lagaga dhawaaqo in shidaal laga helay, Illaahay khayraadkaas ha inooga dhigo mid khayr qaba oo aynu si wanaagsan uga faa’iidaysano dhibaatana aan inoo horseedin. Waana khayraad Somaliland oo dhan ka dhexeeya oo aanay meel gaar ah iyo degmo gaar ahi lahayn. Khayraadka guud ee dalkeena ku jira muwadiniinta oo dhan ayuu ka dhexeeya, wasaradda Macdanta iyo Tamarta iyo wasaaradda biyaha ee ceelkaasi qodaysayna waanu uga mahad naqaynaa.”

 

 

 

 

Leave a Reply