Halku dhig caalami ah ayaa leh “Dadku wuu dhintaa Taarikhduse ma dhimato”. Sooyaalka Maalmaha iyo gadgadoonka waayuhuna waxay si joogto ah u xambaarsanyihiin, maalmo sumad gaar ah yeesha oo sabab u noqda munaasabado lagu xusuusto.
Qormadan oo aan si gaar ah ugu iftiiminayo maalmo taariikhi ah oo ku jiray Bisha Jenawari iyo dhacdooyin waayahooda lahaa oo ka dhacay Magaalada Berbera iyo Deegaankeeda. Oo ay kamid ahaayeen
Jan.1862kii waxaa la bilaabay Dhismaha qaybaha qadiimiga ah ee Biyaha Dubaar. Waxaanu dhamaday bishii Nofembar ee sanadkaasi, dhinaca kalena Magaca Dubaar oo ah erey kasoo jeeda Afka Turkiga oo macno ahaan noqonaya SAAFI. Ayaa loogu wanqalay Deegaankii biyahaasi laga helay, shirkad Masaari ah oo hoos imanaysay Imbaradooriyadii Cismaaniyiinta ayaana hirgelisay mudadaasna waxaa Magaalada Berbera madax ka ahaa Nin lagu magacaabi jiray C/raxmaan Bey.
3-Jan 1900 Maamulkii mustacmaradi Ingiriiska ayaa xadhiga ka jaray Xabsiga Mijacaseeye oo hoos iman jiray B/bera, (Sida ku cad qoraal laga helay Ciidanka Asluubta oo ku taariikheysnaa Okt 1985kii warbixintaasi oo ka hadlaysay hawsha Ciidanka iyo tayada xabsiyada JDS)
7-Jan.1975 tirakoob ay samaysay W/qorshaynta qaranka ee Xukuumadii Somaliya, ayaa lagu sheegay tirada dadka ku dhaqan Magaalada Berbera 61.498 Qof, Balse waxa labadii doorasho ee isku sidkanaa 31.5.2021 dadka ka diiwaangashanaa Gobolka Saaxil wuxuu ahaa 116,607 Qof. Hadaba tirakoobkaas oo aan ka tixraacay nuqul kasoo baxay Wasaaradii Qorshaynta Somaliya, waxay is waafaqeen Buuga sababihii Burburka Soomaaliya ee uu qoray C/qaadir Oromo. Page-ka 144 waxaana qoraagu soo xiganayaa tirakoobka 1975kii dhowr degmo iyo inta dadka ku nooli noqday iyo arin kale oo ahayd tirada kuraasta baarlamaanka ee kasoo bixi jirtay, Doorashooyinkii Nidaamki MSBarre ka horeeyay, Degmadda Berberana waxaa laga soo dooran jiray 5 Xildhibaan.
-Degmada Gebilay oo dadkeedu ahaa 65.535 Qof waxaa laga soo dooran jiray 1 Xildhibaan,
-Degmada Buulobarde oo wakhtigaa ku dhaqnaayeen 54.595, waxa laga soo dooran jiray 7 Xildhibaan.
-Degmada Afgooye oo dadkeedu ahaayeen 90.410 Qof, waxaa laga soo dooran jiray 6 Xildhibaan.
-Degmada Jowhar o xiligaasi laga diiwaangeliyey 104.829 Qof waxaa kacaanka ka hor laga soo dooran jiray 3 Xildhibaan.
-Magaalada Muqdisho oo ahayd caasimadii labadii gobol ee Waqooyi iyo koonfur waxaa dadkeedu ahaa 349.245.Qof waxaana laga soo dooran jiray. 2 Mudane
12 Jan 1982kii Jiidaha Magaalada Berbera ee dhinaca Beriga waxaa ka dhacay dhoolatus Meleteri oo ay ka qayb-qaateen Meleteriga Soomaaliya iyo Ciidamadii Maraykanka ee ku sugnaa Badda Cad oo ka koobnaa Ciidanka Lugta, Gawaadhida Gaashaaman, Ciidanka Cirka, dhoola-tuskaas oo loogu magac-bixiyey Xiddigta dhalaalaysa (The Brigtht Star), arinta cajiibka noqotay markii Dhoolatuskaasi qaybihiisii ugu muhiimsanaa ay ku gacan sareeyeen Ciidankii Somaliya. Waxa kale oo layaab lahayd sida saxaafadda Afka dheer ee Dalalka Reer Galbeedku ay u kashifeen ceebta ku dhacday Ciidankooda. Laba sano kadib dhoolatus kale oo loogu magac daray Dabaysa Badda Cad ayaana Maraykanku la sameeyey Meleteriga Masaarida.
2 Jan 1983kii Cutub ka tirsan Ciidankii SNM oo uu hogaaminaayey Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), ayaa weerar gaadmo ah ku galay dhismaha Xabsiga Mandheera oo kamid ahaa xarumaha ugu ilaalad adag Jeelashii Taliskii MSBare, Mujaahid Lixle iyo Colkiisii waxay ooda ka rogeen, Gebi ahaanba maxaabiistii ku xidhnayd Xabsigaasi
21.Jan 1920kii Gulufkii ugu weynaa ee Ciidamada Ingiriisku ku qaadeen Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdule Xasan ayaa maalintaa Bilowday Hawsha ugu culusina waxay ka socotay Magaalada Berbera oo lagu diyaariyey Agabkii iyo Tas-hiilaadkii weerarkaasi lagu galay, waxaa markii ugu horaysay la hawlgeliyey laba Raxamood oo Dayuuradaha Dagaalka ah oo iyagoo furfuran lagu rakibay Deegaanka Laas-ciidle oo 116 Km dhinaca Bari ka xigta Berbera, Duulaankaas dhinaca hawada waxaa baalsocday kumanaan Askar ah oo dhinaca dhulka soo maray jihooyin kala duwan kasoo weeraray Xaruntii Daraawiishta ee Taleex, Duulaankaas oo lagu jebiyey ciidamadii Daraawiishta,
Hase ahaatee talaabada yaabka leh ee xukuumadii Ingiriiska maalintaasi ay ka samaysay Berbera oo umad badan ka yaabisay waxay noqotay markii Meelo dhowr ah oo Magaalada ah laga taagay Subaxnimadii 21-ka Jenawari. calanka ciidanka Ingiriiska oo ka koobnaa Laba seefood oo isweydaarsan dhexdana uu kaga sawiran yahay Libaax dul-taagan Taaj. Iyadoo loola dan leeyahay Maamuus loo samaynayo Guusha Ciidamada Ingiriiska.
22.Jan1941 waa 20 Sanadood ka dib Jabkii Daraawiishta, ciidamo si weyn u hubaysan oo kasoo duulay saldhigii Meleteri ee Dowlada Ingiriisku ku lahayd Magaalada Cadan, ayaa si rasmi ah gacanta ugu dhigay Magaalada Berbera oo 19.8.1940kii Ciidamadii Talyaanigu Xoog ku qabsadeen. Xiligaas oo uu dunida ka socday Dagaalkii 2aad ee Dunidu mudadaas oo dhamayd 155 Maalmood waxaa taariikhdu u taqaanaa TALYAANIGII. taasoo loola jeedo inuu Geyiga Somaliland haystay Nidaamkii Talyaanigu. Waxaana qasab noqotay in mar kale la sudho Calankii Boqortooyada Ingiriiska, Nidaamkii Fashiistiga ahaa ee Dagaalkaasi ku jabayna in Bandiiradiisii dhulka lagu tuuro.
–23.1.1991 Konton sano kadib Jabkii Talyaaniga waxaa Tuulada DABA-BAHAL Kasoo ruqaansaday ciidamo ka tirsan ururkii SNM, sida ka muuqada Muuqaal Video ah oo laga duubayna Sarkaal ka tirsan Madaxdii Ciidankaasi Maxamed Axmed (Talaada-codle). Oo ka warbixinaayey tirade ciidanka iyo Gaadiidkooda ayaa sheegay inay ka kooban yihiiin 1350- Hubaysan, 23 Gaadhi oo Tekniko ah, 21 Baabuur oo Xamuul ah, waxaanay Weerar ku hilaaciyeen Berbera, Dagaalo soo noqnoqday oo Aagag kala duwan ka dhacayna Galabnimadii 29.1.1991 ayaa si rasmi ah gacanta loogu dhigay waxaana taariikhdaas lagu dhidbay Calankii SNM. Inkastoo calankaasi 4 Bilood kadib oo ku beegnayd 18.5.1991 ayaa Calankii hore ee Somaliland laga taagay kaasoo midabkiisu ahaa cadaan dhexda ku leh Goobaabin doogo ah oo si wareeg ah uu ugu qoran yahay Towxiidku.
Balse 7.1.1997 waxaa Xarunta Gobolka Saaxil iyo Afaafka hore ee Dekeda lagu dhidbay Calanka xiligan ee Sadexda midab iyo towxiidka leh, ee lagu yaqaano Somaliland.iyadoo uu meesha ka baxay Calankii koowaad ee Somaliland.
- Jan Sanadkii 2000 M/weynihii 2aad ee Somaliland AHN Maxamed I. Cigaal oo booqasho ku joogay Magaalada Berbera, ayaa socod lug isagoon wadanin wax ilaalo ah kasoo bilaabay Wadada hormarta Bankiga Berbera ilaa Makhaayadda Baraatka ee Suuqa Daaroole, isla taariikhdaasna wuxuu Duqa Magaalada u magacaabay AHN Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan-Gadhweyne), oo ahaa Maayarkii u dambeeyay ee Dowladu soo magacowdo,
Afar sano kadib oo ku beegnayd 14.1.2004 Waxaa Golihii Deegaanka ee Berbera u doorteen Cabdi Jaamac Ducaale (Cabdi-Musbaar) oo Noqday Gudoomiyihii labaad ee G/Deegaanka tirada codadka uu helayna waxay ahaayeen 14-Cod, arinta Cajiibka ah ee xiliyadaas dhacdayna waxaa kamid ahaa tirooyinka 14- iyo 18 Tusaale ahaan Cabdi-Musbaar Maalinta uu maayarka noqday taariikhda waxay ahayd 14-kii bisha 1aad, codadka uu helayna waxay ahaayeen 14 Xildhibaan.
Maayar Cabdale Maxamed Cali (Cabdala-Sandheere) wuxuu xilka wareejiyey 18kii Bisha khudbadii uu maalintaa jeediyey oo uu aad ula kaftamayey Cabdi-Musbaar wuxuu weydiiyey su’aal si aad ah uga qoslisay Cabdi-Musbaar oo ahayd “Horta Cabdoow Gaadhigaagii Mark II ahaa ee Socodka badnaa miyaanu marna kaa xumaan jirin, waxaan ka yaabi jiray halkaad Isbeer-baadhkiisa ka heli jirtay, Baabuurkaas oo Lrkiisu ahaa 13014.
Hase ahaatee 18.1.2008 ayaa markii labaad loo doortay Duqa Magaalada Cabdale Maxamed Cali (Cabdale-Sandheere). Oo helay 18 Cod.