Jacqueline Kennedy oo ahayd xaaskii madaweynihii 35aad ee dalka Maraykanka oo la dilay sanadki 1963 John F. Kennedy, ayaa isku deyday inay ka boodo gaadhigii ay wada saaraayeen ninkeedii ay jeclayd oo markaasi rasaas lala dhacayay. Waxa keliya ee ay ka fikiraysay inay nafteedu badbaado iyadoo aan xataa isku deyin inay dib u eegto. Laakiin wakhtigaasi waxa isku deyaya inuu badbaadiyo ninka keliya ee ilaaliyihiisa ahaa ee la socday, inkasta oo aanay suurtagal noqon. Nolosha ayaa sidaasi ah wakhtiga adag in qofkii dadka kuugu dhowaa aanu xataa jeclaan inuu agtadaa sii joogo marka ay dhibta kugu dhacday isagana gaadhi karto, isagoo doonaya inuu keligii u baxsado halka u naftiisa ku badbaadin karo. Taasi ayaa cadayn u ah in xaaladaha adaga dadku ay galaan ibixiyow ibixi, waxaana dhacda in qofkii kasta isaga arinkiisu culaysiyo. Marka ay aduunyadu sidaa tahay iyadoo weliba aad u baxsan karto meel aad filayso in aad ku badbaadayso, in Maalinta Qiyaamaha dhib tan ka weyn ka jirto iyadoo weliba aanay jirin meel aad filayso in aad ku badbaadayso, arrinka Quraanka Kariimka ahi Allah (sw) ku cadeeyay waa in maalinta Qiyaamaha qof kasta uu ka carari doono ehelkiisa iyo xaaskiisa iyo inta dad ugu dhow, iyadoo qof kasta u culaysiinyo arinkiisu. Waana maalintaasi dhibta badana in qof kasta u diyaar garoobo oo camalkiisa wanaagsan sidii badsado. Dhibaatada Khurafaadka La Aamino!

0
222

Dadkii hore marka ay safarka badda ku jiraan waxa soo waajihi jiray dhibaatooyin badan sida badda oo kacsan, dabaylo , duufaano iyo roobaab mahiigaano ah oo jihada ka lumiya.

Wakhtigaasi dadku ma haysan maraakiibta iyo Doonayha mishiinka casriga ah leh, waxay ku safri jireen Doonyo shiraac leh oo dabaysha la sheqeeya. Wakhtigaasi waxay dadku aaminsanayeen caadooyin kala duwan, waxaana marka ay iska xejin waayaan dabaysha ay naakhudayaashu iyo dadku aaminsanaan jireen inuu Mayd ku jiro sanduuqyada dadku wataan, oo khiyaamadaasi awgeed ay keentay ciqaabka.

Waxay baadhid ku bilaabi jireen alaabada, marka ay ka quustaan in qof soo saaro iyadoon la baadhin, haddii taasi laga waayo waxay odhan jiren waxa inaga mid ah qof habaaran oo baxsad ah sidaa awgeed waxa dadka lagu khasbi jiray inay loo qori tuur oo kii ay usoo baxdo badda lagu tuuro. Dhaqankan ayaa ah mid salka ku hayay marka ay dadku u nool yihiin sida xayawaanka, waayo kama faa’iidaystaan caqliga, waxaana ay adeegsadeen khurafaad iyo awood. Aadamigu marka ay maskaxdiisu noqoto mid naafo ah dhibta uu geyasanyo ayaa ka badan waxtarakiisa.

Leave a Reply