Maalmaha Adag Iyo Dareenka Qofka!

0
480

Jacqueline Kennedy  oo ahayd xaaskii madaweynihii 35aad ee dalka Maraykanka oo la  dilay sanadki 1963  John F. Kennedy, ayaa isku deyday inay ka boodo gaadhigii ay wada saaraayeen ninkeedii ay jeclayd oo markaasi rasaas lala dhacayay. Waxa keliya ee ay ka fikiraysay inay nafteedu badbaado iyadoo aan xataa isku deyin inay dib u eegto. Laakiin wakhtigaasi waxa isku deyaya inuu badbaadiyo ninka keliya ee ilaaliyihiisa ahaa ee la socday, inkasta oo aanay suurtagal noqon.

Nolosha ayaa sidaasi ah wakhtiga adag in qofkii dadka kuugu dhowaa aanu xataa jeclaan inuu agtadaa sii joogo marka ay dhibta kugu dhacday isagana gaadhi karto, isagoo doonaya inuu keligii u baxsado halka u naftiisa ku badbaadin karo.

Taasi ayaa cadayn u ah in xaaladaha adaga dadku ay galaan ibixiyow ibixi, waxaana dhacda in qofkii kasta isaga arinkiisu culaysiyo. Marka ay aduunyadu sidaa tahay iyadoo weliba aad u baxsan karto meel aad filayso in aad ku badbaadayso, in Maalinta Qiyaamaha dhib tan ka weyn ka jirto iyadoo weliba aanay jirin meel aad filayso in aad ku badbaadayso, arrinka Quraanka Kariimka ahi Allah (sw) ku cadeeyay waa in maalinta Qiyaamaha qof kasta uu ka carari doono ehelkiisa iyo xaaskiisa iyo inta dad ugu dhow, iyadoo qof kasta u culaysiinyo arinkiisu.  Waana maalintaasi dhibta badana in qof kasta u diyaar garoobo oo camalkiisa wanaagsan sidii badsado.

 

 

 

 

 

Dhibaatada Khurafaadka La Aamino!

Leave a Reply