Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo soo Gaba-gabaysay kulan lagaga tashanayay Xannuunka Qaaxada

0
579

Qodobkeena koobaad ee barnaamijkeena caafimaadka waxa aynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo mashruuca xakamaynta xannuunka Qaaxada ku soo gaba’gabaysay magaalada Hargeysa, kaas oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday.

Waxa intii uu socday kulankaasi ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee ka shaqeeya xakamaynta xannuunka Qaaxada iyo hay’addaha sida dhaw ugala shaqeeya wasaaradda xakamaynta xannuunkan, waxaana intii uu socday diirada lagu saaray waxyaabaha mihiimka u ah xakamayntiisa.

Maxamed Jamaac oo ka mid ah Madaxda qaybta Xakamaynta cudurka Qaaxada ayaa ka warbixiyay lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo waxyaabaha u qabsoomay, isaga oo xusay in tallaabo weyn loo qaaday dhanka horumarinta xakamaynta Qaaxada.

Sidoo kale Farxaan oo ka socday hay’adda World Vision ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay dadaalka balaadhan ee ay wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ka wado dhanka Xakamaynta xanuunka Qaaxada, isagoo xusay  in labadii maalmood ee uu socday kulankani wax badan la kala faa’idaystay.

Dr-Bashiir Cabdi Saleebaan Madaxa Mashruuca Xakamaynta xanuunka Qaaxada ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo soo gabo-gabeeyay kulankan ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu Kulankani u leeyahay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gaar ahaan Mashruuca Xakamaynta Qaaxaada in mar walba dib loo eego waxyaabaha hirgelay iyo Caqabadaha jira sidii looga gudbi lahaa, sidookalana la qorsheeyo Talaabooyinka ugu muhiimsan ee ay tahay in la qaado lixda bilood ee soo socda.

 

Leave a Reply