Laascaanood: Kulan Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Madaxda Dhaqanka G/Sool

0
608

Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda oo kulan Balaadhan la qaatay Madaxda dhaqanka iyo Haldoorka Laascaanood

 

Laascaanood (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somalilan d Maxamed Kaahin Axmed iyo oo uu hoggaaminayo ayaa shalay kulan ballaadhan la qaatay Madaxda Dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka iyo guud ahaan haldoorka Gobolka Sool.

Kulankan oo uu shirguddoominayay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, kana a qabsoomay Xafiiska Gobolka Sool, waxaa waxa ka qayb-qaatay wasiirro ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, Taliyayaasha ciidamada, Xildhibaano, maamulka gobolka Sool iyo ka degmada Laascaanood iyo waxgaradka deegaankaas, kaas oo lagaga hadlay xoojinayo Amniga guud ee Magaalada Laascaanood.

Kulankan waxaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ku wehelinayey Wasiir Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax.

Sidoo kale waxa kulankan goob joog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somalialnd Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Badhasaabka Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Maayarka Degmada Laascaanood, Xildhibaan Axmed Cali Casoowe, Masuuliyiin kale oo Xukuumadda ka tirsan iyo Taliyayaasha Ciidanka ee Gobolka Sool.

Kulankan ayaa lagu lafo-guray sidii looga wada shaqayn lahaa adkaynta Amniga Magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba Gobolka Sool, iyada oo laga wada shaqaynayo ama la iska kaashanayo arrimaha nabadgelyada iyo horumarka Xukuumadda iyo Bulshada Magaalada Laascaanood ba, sidoo kale waxaa lagaga wada hadlay kulankan Horuumarka Gobolka Sool.

Guud ahaan Magaalada Laascaanood ayaa xilligan ah mid Nabadgelyo ah oo degan iyadoo amniga ay sugayaan Ciidamada Nabadgelyada, Weftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa toos u bilaabay hawlihii shaqo ee ay u tageen Magaalada Laascaanood.

 

 

 

 

 

Leave a Reply