Xaaladaha Iyo Wararka Bulshada!

0
343

Dadka taariikhda qora ayaa sheegay in wakhtigii uu Ciraaq maamulayay Xajaaj Binu Yuusuf oo dadku ay dhib badan kala kulmeen, in bulshadu marka waagu beryo ee ay kulmaan is weydiin jireen su’aalahan : “ Xalay dad mal dilay, ma jiraan kuwo jeedal lala dhacay oo la ciqaabay, kuwo la xidhay iwm”.   Sababtuna waxa ay ahayd iyo iyadoo hawsha ugu badan ee jirtay.

Sebenkii uu talada qatay  Waliid Binu Hashaam oo horumarku meel sare gaadhayna, waxa la is weydiin jiray imisa wershad gacmeed ayaa la sameeyay, webiyo la jeexiyo, dhir badan oo manfac leh oo la beero iyo wershadihii lagu samayn lahaa oo la diyaarinayo. iwm.

Markii uu talada qabtay Sulayman Binu C/Malik oo isagu aha nin raaxo jecel, oo raashinka iyo guurka jecelna waxa ay dadku ku sheekaysan jireen “ Raashinka, iyo guurka iyo isbedelada ku dhacaya iyo kordhka qiimahooda markay isugu yimaadaaan fadhiyadooda.

 

Haddaba wakhtigii uu khilaafada hayay Cumar Binu C./casiis waxa ay dadku is weydiin jireen “ Imisa jis oo Quraan ayuu xifdisan yahay hebel, imisa jeer ayuu Quraanka khatima, habeenkii waradi ma leeyahay, bisha imisa jeer ayuu soomaa, iwm. Sidaas ayay bulshadu ugu jihaysantay kolba waxa ugu badan ee sebenkaasi bulshadu ku mashquulsantay.  Waa in bulshadu fikirkooda lagu jiheeya waxa u wanaagsan aduun iyo aakhriba.

 

Leave a Reply