Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo Kormeeray Goobaha Diiwaan-gelinta Togdheer

0
191

Burco (Dawan): Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka JSL Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, ayaa shalay soo kormeeray goobaha ay diiwaan gelinta codbixiyeyaashu ka socoto ee gobolka Togdheer.

Waxaana guddoomiyaha kormeerkaasi ku wehelinayay xubno ka mida komishanka doorashooyinka, maamulka gobolka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, iyo masuuliyiin kale.

Kormeerka guddoomiyaha komishanka ayaa la xidhiidhay indho indhaynta habsami u sacodka hawlaha diiwaan gelinta ee gobolka Togdheer, gaar ahaana gudaha magaaladda Burco, iyadoo lagu jiro wejiga labaad, isla markaana ay furan yihiin goobo loo qorsheeyay in ay furnaadaan muddo 30 maalmood ah.

Waxaana guud ahaanba gobolka Togdheer ay diiwaan gelintu ka socotaa 21 goobood, kuwaasoo shan ka mid ah ay yihiin gudaha magaaladda Burco. Goobahaasi oo ay dhamaantood ab dadku si fican ay isku diwan gelinayaan.

Sida ay sheegeen xubnaha masuuliyiinta komishanka doorashooyinka, iyo hawl wadeenadda ka shaqaynaya diiwaan gelinta oo guddoomiyaha uga warbixinayay habsami u socodka hawlaha diiwaangelinta.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, oo karmeerkiisa kadib ka warbixiyay waxyaabihii uu ku soo arkay goobihii uu soo maray ayaa sheegay in tiradda dadweynaha ilaa hadda is diiwaan geliyay ay aad u badan tahay.

Waxaanu yidhi, “Waxaa inoo hadhay muddo yar oo kooban. Diiwaan-gelintu na si fiican bay gobolka uga socotaa, gaar ahaana magaaladda Burco. Tiradda dadka is diiwaan geliyay na aad bay u wanaagsan tahay. Waxaan filaynaa in ugu badnayd ee abid is diiwaan gelisa in ay diiwaan gelintani isku diiwaan geliso guud ahaanba qaranka ayaanu rejaynaynaa, dedaal badan na waanu gelinay.

Goobahan imika hadhay, waa goobihii sodonka cisho ahaa. Waxaanu aad iyo aad ugu mahad celinaynaa dhamaan ba cidii nala shaqaysay, oo ay ka mid yihiin ciidamadda ilaalinaya amniga goobaha, iyo ciidamadda ilaalinaya amniga xuduudaha dalka. Si fiican bay noola shaqeeyeen, waanay ku mahadsan yihiin”.

Geesta kale Muuse Xasan Yuusuf, ayaa u mahad celiyay badhasaabyadda goboladda dalka, maayarrada magaalooyinka dalka, saraakiisha ciidamadda, iyo wasaarrado dawladeed oo uu sheegay in ay si fiican ugala shaqeeyeen hawsha diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

“Waxa kaloo aan u mahad celinaynaa badhasaabyadda goboladda dalka, taliye qaybeedyadda goboladda, iyo maayarrada magaalooyinka dalka, oo si qurux badan noola shaqeeyay. Waxa kaloo aan u mahad celinayaa, oo aad iyo aad noola shaqeeyay, wasaaradda waxbarashadda, waxaanan addeegsanay goobo badan oo waxbarasho, iyo caafimaad, wasaarradahaasina way ku mahadsan yihiin.

Fariinta aan dirayaa waxa weeye, muddo todoba maalmood ah ayaa inoo hadhay, waa in aynu is diiwaan gelino”ayuu yidhi guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka JSL

Leave a Reply