Afrika: Sida Baraha Bulshada Loogu Isticmaalo Xayeysiin Ahaan

0
265

Shirkadaha ganacsi ee ka shaqeeya Afrika ayaa Baraha Bulshada u sticmaala dhinaca xayeysiiska si ka badan shirkadaha kale ee caalamka, sida lagu muujiyay cilmi baadhis cusub. Ku dhawaad 75% ka mid ah shirkadaha Afrika ayaa ku tiirsan baraha bulshada si ay ugu suuq geeyaan badeecooyinkooda iyo wax soo saarkooda. Waxay tiradaas aad uga badan tahay marka la isku daro guud ahaan tirade shirkadaha ku yaalla dunida inteeda kale, kuwaas oo 52% ku tiirsan baraha bulshada.

Xogtan cusub waxaa lagu soo bandhigay daraasadda adeegsiga baraha bulshada ee ay warbaahinta la wadaagtay shirkadda dabagalka ku sameysa dhaqdhaqaaqyada online-ka ee lagu magacaabo Meltwater.

“Iyadoo ay jirto hubanti la’aan ku aaddan xaaladda dhaqaalaha, shirkado badan oo waaweyn ayaa la yimid hal abuur si ay u suuq dheeraad ah ugu helaan wax soo saarkooda,” ayey tidhi Lays Bammesberger oo ah madaxa qeybta dhaqaalaha ee shirkadda Meltwater.

Daraasadda ay soo saratay shirkaddan fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa muujineysa in sagaal ka mid ah toban shirkadood oo ka howl gala Afrika ay isticmaalaan Facebook, iyagoo ka dhigay Facebook barta bulshada ee ay ugu isticmaalka badan yihiin hay’adaha.

Iyadoo diiradda la saarayo in magaca shirkadaha la ogeysiiyo dadka ayey kalabadh ka mid ah shirkadaha caalamku sheegaan in hubanti la’aanta ka jirta xaaladda dhaqaalaha ay sababtay in baraha bulshadu ay yeeshaan muhiimad aad u weyn.

Shanta shaashadood ee waxtarka weyn u leh ganacsiyada Afrika ayaa kala ah Facebook (boqolkiiba 88), Instagram (boqolkiiba 76), LinkedIn (boqolkiiba 74), Twitter (boqolkiiba 67) iyo WhatsApp (boqolkiiba 58).

Marka la eego dhinaca kobaca, isticmaalka TikTok ayaa si weyn uga kordhay gobolka, iyadoo kala badh ka mid ah shirkadaha Afrika ay qorsheynayaan in ay bartan bulshada adeegsadaan sanadkan 2023-ka.

Isticmaalka WhatsApp ee gudaha Afrika ayaa celcelis ahaan boqolkiiba 35 ka sarreeya caalamka intiisa kale.

Warbixintan waxay ku saleysan tahay daraasad xog aruurin ah oo ay Meltwater ka sameysay in ka badan 1,700 qof oo isugu jira dadka ka shaqeeya suuq geynta iyo shaqaale rasmi ah oo ka howl gala Afrika iyo dunida inteeda kale.

 

 

 

Leave a Reply