Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Hargeysa ku Soo Gebo-gabaysay Sidii Loo Taakulayn lahaa Barakacayaasha ku Nool Laascaanood

0
327

Hargeysa (Dawan) Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland ayaa Magaalada Hargaysa ku soo gebo-gabaysa kulan socday muddo laba maal-mood ah, kaasi oo lagaga hadlayay sidii taakulo buuxda loo gaadhsiin lahaa, dadka barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Laascaanood.

Taakulayntan waxa Hay’adda Qaxootiga iyo Brakacayaasha kala qayb qaadanayay hay’addaha qaramada midoobay, kuwa wadaniga ah iyo kuwo kale oo caalami ah, oo ay wada shaqayn leeyihiin hay’adda qaramada midoobay.

Mudadii uu socday kullankaasi waxa xoogga lagu saaray sidii gar-gaar deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Sool, siiba magaalada Laascaanod, iyo sidoo kale sidii loo taakulayn lahaa Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku nool malaagad, loona gaadhsiin lahaa arrimaha ku saabsan baahiyaha nolosha sida Biyaha, Caafimaadka iyo wax ay quutaan.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland Faadumo Cabdilaahi Cumar oo kullankan shir-gudoominaysay ayaa sheegtay in sideed hay’adood oo caalami ahi ka soo jawaabeen baaqii ahaa sidii gurmad iyo taakulayn loogu fidin lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Waxaanay intaas ku dartay in gurmadkaasi noqon doono mid isugu jira caafimaad, cunto, guryo iyo arrimaha kale ee u baahan in dadkaasi si deg-deg ah loo gaadhsiiyo, iyadoo hay’addaha kalena u soo jeedisay in kaalintooda ka qaataan sidii taakulo loo gaadhsiin lahaa dadkaas barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Laascaanood.

 

 

 

Leave a Reply