Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha oo Kormeeray Riig-biyood laga Hirgelinayo Degmada Sayla

0
224

Qore Warsame Yaasin 

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cabdi Faarax Bile iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa kormeer hawleed ku tagey Riig biyood ay wasaaraddoodu ka qodayso degmada Sayla-bari ee gobolka Hawd.

Agaasimaha iyo waftigiisa waxa halkaasi ku soo dhaweeyay guddoomiyaha degmada Sayla, waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku kala nool degmadaasi iyo degaanada hoos yimaada.

Cabdi Faarax Bile agaasimaha guud ee wasaaradda biyaha Somaliland waxa uu sheegay in ceelkani wax weyn ka tari doono biyo la’aanta Jilaalka ee ka jirta degmada Sayla iyo degaanada hoos yimaada, waxaanu intaas raaciyay in ay dhawaan xadhiga ka jari doonaan Riig-biyoodkan. Waxaanu yidhi “Anaga ka wasaarad ahaan masuuliyada u weyn ee na saarani waxa weeyaan hawlaha ay wasaaradu gacanta ku hayso xoojintooda, dabagalkooda, dedaal wasiirka ilaa shaqaalaha ah ayaanu ku jirnaa, marka tii uun bay tanina maanta ka mid tahay, aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in shaqo intaa le’eg oo ka socota degmada Sayla Barri aanu idiinku nimaadno”

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cabdi Faarax Bile  waxa uu intaasi ku daray “Sidoo kale in aanu dhiirigelino farsamayaqaanada gacanta ku haya Riiga degmada Sayla ayaanu u nimid, oo aanu nidhaahno waad mahadsan tihiin ee halkaasi kaga haya, abaarta iyo biyo la’aanta jilaalku in maalmaha fooda inagu soo haya haddii ILLAAHEY yidhaahdo in ay dhammaan doonto ayaanu rajeynaynaa, riigana laga cabi doono oo degaanada degmada Sayla ku teedsani ay ka cabani doonaan,”.

Riig Biyoodkan ayaa dadka degmada Sayla iyo degaanada hoos yimaada baahi weyn u qabeen, waxaanu agaasime Cabdi xusay in uu anfici doono bulshada degmadaasi ku nool ee xoolo dhaqata beeraleyda ah.

 

Leave a Reply