Wasaaradda Gaadiidka oo soo Saartay Qodobo lagu Xoojinaayo Hannaanka bixinta Liisamada wadista Gaadiidka

0
255

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland ayaa soo saartay qodobo lagu xoojinayo hannaanka bixinta Liisamada wadista gaaiidka.

Go’aaMo ka soo baxday wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed, soona gaadhay Wargeyska Dawan ayaa u dhignayd sidan:- “Markaan arkay; qoddobaka 3 ee Xeerka Waddo-Marista Gadiidka Xeer Lr. 56/2013, kaas oo nuxurkiisu yahay samaynta iyo illaalinta nidaamka Waddo-marista si hoos loogu dhigo khatarta ay keenaan Shilalka Gaadiidka dalku.

Markaan arkay; warbixinta sannadka 2022 ee shilalka Gaadiidka, taas oo muujinaysa kor u kaca khasaare ba’an oo isugu jira dhimasho nafeed, Dhawaac iyo Bur-bur Hantiyeed oo ay sababeen Shilalka Gaadiidku.

Markaan arkay; shuruudaha Waddida Gaadiidka ee ku xusan qoddobka 56 iyo 57 ee Xeerka Waddo-Marista Gadiidka Xeer Lr. 56/2013; iyo in xirfada, Aqoonta iyo Da’da waduhu ay qeyb-wayn ku leedahay korodhka Shilalka Gaadiidka.

Waxa aan Go’aamiyey:-

In qof kasta oo Da’diisu u dhaxeyso 18 illaa 20 jir oo raba in uu kaxeeyo Gaadiid ama qaato Liisanka waddista Gaadiidka aan laga qaadin Karin imtixaanka Liisanka darawalnimo ilaa uu soo maro Dugsiyada Barashada Baabuurta ee ruqsada ka haysta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

In qof kasta oo Da’disu tahay 21-jir oo doonaya in uu kaxeeyo Gaadid rakaabka ama qaato Liisanka Waddista Gaadidka haddii uu waayo imtixaanka Wadista Gaadiidka marka 1-aad, waa in aan marka 2-aad loo ogolaan in uu imtixaanka galo illaa inta uu Dugsiyada Barashada Baabuurta ka soo baranayo shuruucda Waddo-marista calaamadaha waddooyinka iyo xirfadaha khuseeya Gaadiidka.”

Go’aamadaas ka soo baxay xafiiska wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed waxa lagu sheegay in ay dhaqan gali doonaan 1 bisha February, 2023.

 

 

 

 

Leave a Reply