Tababar loo soo Xidhay Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Qaranka iyo Ciidamadda Xeebaha JSL

0
309

Hargeysa (Dawan)- Abaanduulaha koowaad ee Ciidamada qaranka Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud ayaa tababar u soo xidhay 21 sarkaal oo ka tirsan Ciidamada qaranka iyo labo sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Xeebaha.

Abaanduulaha koowaad ee Ciidamada qaranka Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud oo hadal ka jeediyay xidhaankii tababarka ayaa waxa uu yidhi “Waxaan Maanta halkan idiiku xidhayaa tababarkii tobanka toddobaad idiin soo socday oo Maanta (shalay) aad dhamaysateen, tababarkaas wuu idiin xidhan yahay waxaana aan idiin aqoonsanay sida hogaanka tababarka noo soo gudbiyay in aanu idin siino shahaadooyinkii aad ku qalan jabiseen”.

Ku Xigeenka hogaanka tababarada Ciidamada qaranka Gaashaanle sarre Axmed Caydiid oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in wax faa’iido u ah ay bareen saraakiishani. Waxaana uu yidhi “Waxa aan idikula dardaarmayaa, wax baad barateen, waxa aad barateen waa wax idiin faa’iido ah, oo idiin soo kordhay wax badan ayaad barateen”.

Sidoo kale Abaanduulaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Gaashaanle sarre Cali Xasan Aadan ayaa waxa uu kula dardaarmay in ay halkaa ka sii wadaan dadaalkooda. Waxaana uu yidhi “Waxa aan idin leeyahay dadaala oo halkaa ka sii wada, marka la eego sharaxaadiina aad ayaad u fiican tihiin”.

 

 

 

Leave a Reply