Guddida Arrimaha Dibedda ee Baarlamanka oo Kulan la Qaatay Ardayda Jaamacadda CSI

0
172

Hargeysa (Dawan)- Gudida siyaasada Arimaha debeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha wakiillada ayaa shalay kulan kula qaatay Xarunta Golaha ardayda Jaamacada CSI ka barata siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Kulankan oo uu shirgudoominayay Gudoomiye kuxigeenka gudida Md Maxamed Xuseen Jaamac, ayey goob jog ka ahaayeen Xildhibaan Maxamed Siciid oo ka tirsan gudida iyo la-taliyaha gudida.

Gudoomiye ku-xigeenka gudidda Md. Maxamed Xuseen Raamboo oo kulanka ka hadlay ayaa u sharaxay ardayda Siyaasada guud ee Somaliland iyo xidhiidhada xildhibaanada Baarlamaanku u qaadeen horumarinteeda mudadii ay xilka hayeen, waxay sidoo kale uuga warameen wada shaqeynta Wasaarada Arimaha Dibeda iyo Baarlamaanku u dhexeysa iyo sida gaar ahaan gudidu u shaqayso.

Gebagebadii kulanka ayaa la sheegay in ardaydii Jaamacadda CSI suaalo kala duwan ku weydiiyeen xubnihii gudida oo jawaabahii ku haboonaa ku siiyeen.

 

 

 

 

 

Leave a Reply