Caalam Kala Fog! Dhereg Iyo Gaajo!

0
297

Dalalka Dunida oo dhan guud ahaan xayawaanka Eydu way ku nool yihiin. Dalka  Maraykanka waxa ku nool noocyo kala duwan oo Eyda ah, kuwaasi oo tiradooda lagu qiyaasay 58 milyuun oo Ey.

Tirada dadka Maraykanka ah ayaa lagu qiyaasaa 317 malyuun oo qof, waxaana taasi ay ka dhigtay Eyda ku nool in lixda qof ee Maraykan ahba uu Hal Ey ku soo beegmayo, taasi oo muujinaysa badnaanta Eyda ku nool dalkaasi.

Waxa kale oo iyana jirta in daryeelka Eyga keliya uu sanadkii ku baxo celcelis ahaan kharash dhan $ 1270 dalka Maraykanka, waxaana uu noqon karaa mid ka badan ama wax yar ka hoosayn kara, iyadoo taasina ay ku xidhan tahay hadba nooca Raashinka iyo  daryeelka caafimaad ee uu qofku ku bixiyo Eyga. Haddii Eygu xanuunsado waxa dhici karta in kharashka ku baxayaa uu ka bato kharashka loo qoondeeyay.

Sannadkii 2013, qiyaastii 70% qoysaska Maraykanka ayaa haystay nooc kasta oo xayawaan ah.  Laakiin sanadkii 2022 tirada qoysaska Maraykanka ee xaywaanada dhaqda waxaay gaadheen 70%.

Guud ahaan dunida ayaa iyadana la cadeeyay in kharashaadka lagu bixiyo xayawaanada Eyda iyo Bisadaha ay gaadho sanadkii 11 biliyan oo Doller, iyadoo dhinaca kalena ay dunida ku nool yihiin dad Aadami ah oo sabool ah isla markaana aan haysan xataa nolol maalmeedka caadiga ahaa. Iyadoo weliba jiraan bulshooyin gaajo iyo macluul u dhimanaya.

 

 

Leave a Reply