Higsigii Rumoobay Iyo Kelmadihii Xaqiiqda Noqday!

0
214

Dad badan oo noola waayo kala duwan, oo weliba ay dul hoganayeen duruufo maarayn iyo maskax u baahan ayaa haddana xaqiijiyay yoolkii iyo hadafkii ay doonayeen inay gaadhaan.

Dadkaasi waxay hadafkooda ku gaadheen markii ay maskax,  awood iyo wakhtiba u hureen gaadhidda hadafkooda,

Khaliifkii u horeeyay ee muslimiinta Abuubakar Al-sidiiq (Rc) waxa uu ahaa mid naxariis badan oo u dhibrsan bulshada, laakiin markii uu hogaanka muslimiinta qabtay ee qabiilooyinka qaarkood ka ridoobeen diinta, geerida Rasuulka (scw) ka dib waxa uu yidhi :” Ma diinta ayaa nusqaami anigoo nool”.  Waxaana uu ku qaaday dagaaladii Xuruuba Ridda,   Waana uu ku guulaystay in aanay diintu nusqaamin mudadii uu talada muslimiinta hayay. Allaha (sw) gacantiisa iyo ta muslimiinta ayuu ku sugay islaamka. Weedhiisana waxa uu Allah (sw) ka dhigay mid rumowday.

 

Cumar binu Cabdi Casiis (Rc) waxaa lagu tilmaama inuu  yahay kan shan ku noqonaya Afarta khaliif ee muslimiinta. Cumar Binu C/casiis waxa uu yidhi :” Naftaydu waxay leedahay higsi waxana ay rabtaa inay meel sare gaadho”.

Waxa uu yidhi “ anigoo wiil yar ah ayaan ku hamiyay inaan dhamaan luqadda carabida qaybaheeda kala duwan barto, waan dadaalay waana aan bartay. Waxa kale  uu sheegay inuu ku fikiray inuu guursado Fadumo Bintu C/malik oo ahaa Amiirka muslimiinta waana uu guursaday, waxa kale oo uu ku fikiray inuu Madiina ka noqdo Badhasaab, taasina waa uu gaadhay”. Cumar Binu C/casiis waxa uu yidhi waxa kale oo aan ku fikiray inaan gaadho yoolka ah inaan noqdo Khaliifka muslimiinta dhamaanteed waana aan noqday.

Waxana uu yidhi :” Aduunyada wax kasata oo aan ku hamiyay waan gaadhay, imikana waxaan niyadda geliyay Janada oo aan u shaqaysanayaa”.

Yoolka kasta oo lagu dadaalo in la gaadho waa la xaqiijin karaa, laakiin waa inaad u adkaysato caqabadaha ka horeeya adigoo kaga gudbaya dadaal iyo sabir.

 

 

Leave a Reply