Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga JSL oo soo Kormeeray Goobaha Diiwaan-galinta ee Deegaanka Magaalo-cad

0
206

Magaalocad (Dawan)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland Aamina Cilmi Fariid ayaa soo kormeeray goobaha diiwaan-galintu ka socoto ee deegaanka magaalo Magaalo-cad ee gobolka Awdal.

ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayaan Maayar ku xigeenka Magaalada Boorame, xubno ka mid ah Isuduwayaasha dawladda ee gobolka Awdal, Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal ayaa kormeerkoodani daaranaa xogogaal u noqoshada goobaha diwaangelinta iyo baraarujinta dadka aan hore isu diwaan gelin si ay uga faa’iiaystaan fursadan.

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland Aamina Cilmi Fariid ayaa sharraxaad ka bixisay muhiimadda diwaangelinta codbixyayaashu u leedahay dadweynaha deegaankaasi waxaanay tidhi “Waxaan bulshadan ku hambalyaynayaa sida aad isu soo abaabusheen ee aad uga soo qayb gasheen diwaangelintan codbixiyayaasha doorashada Somaliland si aad kaadhkiina u qaadataan.

Hadalka waxaa dhammeeyay hadalka Suldaan Cabdiraxmaan iyo Maayar Yaasiin, anigu waxaan idinku dardarayaa in aydaan Kaadhkaas tuurin, markaad goobta gashaanna warbixinta saxda ah sheeg, haddii aad tahay qof uu ka lumay kaadhka sheeg, hadaad sidato sheeg, hadaad tahay qof cusub oo is diwaan gelinayana sheeg.”

 

 

 

Leave a Reply