Toddobada Sifo Ee Sababta U Ah Guusha Iyo Guuldarada Aadamaha

0
386

Waxa jira waxyaabo farobadan oo loo tixraaco dabeecad aadame, laakiin xagga hoose waxa aan ku faahfaahin doonaa toddobada sifo ee aasaaska u ah dabeecadda aadamaha—sababta keenta guusha iyo guuldarada. Sida aynu gudaha ugu tegi doono mid kasta oo kamida toddobadaas sifo haddii si qaldan loo adeegsado, natiijadu waxay ahaan doontaa—fashilaad. Dhibaatada ugu wayni waxay ahaan doontaa in marar badan dad badani ay ku dhaqmaan, wajiga qaldan ee toddobadaas sifo. Sidaasi darteed, kuwaasi nolosha wax badan kama hantaan marka laga reebo in kooban oo iyagu hore ka dareema sababta fashalkooda. Adigu labadaas qolo—qolodee ayaad ku jirtaa?

Sifada 1aad:

Sifada 1aad oo ah ta ugu caansan aadamaha dabcigiisu, waa dadka oo inta badan neceb in ay si adag u shaqeeyaan; jecelna in ay habka ugu fudud u shaqeeyaan, si ay hawlahooda u dhammaystiraan. Inta badan waxa aad isku daydaa in aanay tamar badani kaa lumin, si aad u qabato hawl kasta oo ku sugaysa. Sababta oo ah wakhtigaaga iyo tamartaadu waxay u taagan yihiin noloshaada; waana in aad siiso qiimaheeda. Waxa laguu qaabeeyey hab ah in aanad si fiiro leh u dooran qaabka ugu adag ee hawl qabasho, maadaama aad heli karayso hanaanka ugu fudud ee aad hawshaas u qaban karayso. Ha samaato ama xumaato’e taas macnaheedu waxa uu yahay, adiga iyo qof kale oo kastaaba waxa aydun tihiin, ismalurayaal.

Wax qalad ahi kuma jiro isdaalin la’aantaas, haddii si haboon loogu aadiyo, dhankaas iyo sidii loo heli lahaa habab farobadan oo wax ku’ool ah, si hawl cayiman loo dhammaystiro. Gebi ahaan taariikhda horumar ee aadamuhu waxay ahayd, sheekada nin iyo haweenay adeegsanayey hal-curintooda maskaxeed, kuwaas oo doonayey in ay ahdaaf isku mida ku gaadhaan—ahdaaftooda iyo ahdaafta dadka kale—kharashka ugu yar iyo tamarta ugu hooseysa.

Isdaalin la’aantu ama kaslaannimadu shar iyo khayr midna ma aha. Laakiin waa sifo ka madaxbanaan qiimaheeda; waana arrin dabiici ah. Iyadoo ay taasi jirto, haday kaslaannimadu liddi ku noqoneyso wax-soo-saarkaaga; ayna dhaawacayso shaqadaada, waxa ay noqotaa sifo taban. (Cali binu Abii daalib alle raali ha ka noqdee wuxuu yidhi: Qofka kaslaanka ah iyo qofka khaa’inka ahi, bulshada cadaw bay u yihiin).

Sifada labaad:

Sifada labaad ee dabciga aadamaha kamidka ahi, waa in qof waliba waxa badan uu ka doorbido waxa yar. Haddii aad iibineyso tufaax isku wada mida, oo aan ku odhan lahaa igasii xabadda tufaaxa ah $5 ama $10 doolar; iyadoo aanay wax shuruud ahi ku xidhneyn, judhiiba waxa aad dooran lahayd qiimaha $10-ka doolar. Arrintani waa wax iska dabiici ah. Aadamaha ayey dabcigiisa tahay in waxa ugu qaalisan uu ku helo qiimaha ugu jaban. Dhammaan aadamaha ayey dabcigiisa tahay in uu waxa badan ka doorbido waxa yar.

Taas oo macnaheedu yahay in qof kastaa yahay damaaci (greedy); uuna doonayo wax ka badan wax uu u baahan yahay. Mar kale, damacu waa dhexdhexaad, ma tabna; mana togna. Haddii aad damaca si  midhodhal leh ugu jihayn lahayd horumarinta noloshaada iyo kobcinta fayo-qabka naftaada iyo nafaha kuwa kale,  waxa uu yeelan karaa saamayn togan oo wanaagsan. Waxa uu noqon karaa dhiirigaliye weyn oo kugu boorriya curinta wax cusub.

Si kastaba ha ahaato’e, haddii damacu yahay mid looga jeedo in lagu helo wax aan loo hawshoon ama wax aanu qofku u qalmin, waxa uu noqon karaa mid halis ku leefsiiya. Damacu waa hadba sida loo adeegsado, taasi oo jaangoysa in damacu uu noqdo sifo wanaagsan ama sifo xun oo uu qofku leeyahay.

Sifada saddexaad:

Sifada saddexaad ee dabciga aadamaha kamidka ahi, waa in qof kastaa yahay mid naftiisa la jecel wax walba. (Nebiguna N.N.K.H waxa uu yidhi: midkiin iimaan ma laha ilaa uu walaalkii la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahay). Kaliya waad dareemi kartaa waxa aad ku faraxsan tahay iyo waxa aanad ku qanacsaneyn. Adiga oo qudha ayaa dareensan dhibkaaga, baahidaada, haraadkaaga iyo dheregaagaba. Marka aad tahay qaangaadh, qofna ma dareemi karo dareenadaada gudaha ama qofna ma go’aamin karo waxa aad ku niyad samaanayso. Waxa aad tahay qof keli ku ah, go’aaminta waxa uu jecelaanayo iyo waxa uu necbaanayo.

Kaliya taas macnaheedu waxa uu yahay, in aad tahay dhalan ahaan qof anaanni ah. Tusaale ahaan haddii aad tagto (Buffet) ama hudheel uu qofku isku shaqaynayo, kaliya adiga ayaa diyaarsan kara cuntooyinka kugu haboon ee aad amateedka u hayso. Waxa aad dooneysaa waxa aad dooneyso. Sidaasi darteed, taasi ma aha sax; mana aha qalad. Taasi waa arrin dhalan ah oo aadamaha oo dhammi ka siman yahay, si lamida sida uu uga siman yahay isdaalin la’aanta iyo damacaba.

Wasiirbaa wuxuu hawlgal bedbaado ah ka wadaa badhtamaha caasimadda, kaasi oo gebi ahaanba noqon kara anaanni, maadaama uu go’aansaday in uu qanciyo baahidiisa ugu fog iyo waxa uu rumaysan yahay, si uu dad badan ugu caawiyo waxa uu haysto. Wasiirkani waxa uu noqon karaa mid aan isdaalinayn, damac leh oo anaanni ah, kaasi oo sifooyinkiisaas u adeegsanaya hab caafimaad qaba, togan, wax dhisaya; dadka kalena faa’iido weyn u leh.

Sifada afraad:

Sifada afraad ee dabciga aadamaha kamidka ahi, waa in wax kasta oo aynu samaynaa uu yahay mid ku waajahan nooc wanaajinta kamida. Aad ayeynu u dedaalnaa, si aynu u noqono kuwo ka fiican sidii ay kal hore ahaayeen, maadaama aynaan markaas hore bixin dedaalkii la inooga baahnaa. Fiiro yeelatayaa ama dhoohanaatayaaba, qof weliba wuxuu dedaal hor leh ugu jiraa horumarinta nooc kamida wax kasta oo uu sameeyo amaba uu yidhaahdo. Taasi oo macnaheedu yahay, qof waliba wuxuu si weyn u rajaynayaa in uu waxyaabo badan ku guuleysto. Qof waliba wuxuu doonayaa in uu hore u mariyo noloshiisa, shaqadiisa, xidhiidhadiisa, caafimaadkiisa amaba heerkiisa maaliyadeed.

Ka soo horjeedka in aad si weyn wax u rajaysaa waxa ay noqon lahayd, adiga oo u muuqda sida qof dareemaya in uu mabsuud ku yahay awoodiisa iyo xaaladda uu ku sugan yahay wakhti xaadirka amaba sidii qof aanay waxba ka maqnayn oo wax walba hantiyey. Haddii aanad wax badan ku werwerin, waxay u muuqataa in aad wax badan xaqiijisay. Si weyn wax u rajayntu waa sifo aad u fiican; waana cariye weyn oo dadka u dhaqaajiya sidii ay uga soo kaban lahaayeen dhibaatooyinka, iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen ahdaaf laga yaabo in aanu qofna rumeysneyn markiisii hore in la xaqiijin doono.

Si kastaba ha ahaato’e, qofka oo si weyn u rajeeya in uu waxyaabo badan ka midho-dhaliyaa haddii ay sababayso, daacad darro iyo habdhaqanno aan wanaagsaneyn, markaas kaddib si weyn wax u rajayntu waxa ay noqotaa sifo taban oo aan wanaagsaneyn. Han weyn lahaw; waxbadanna ku hammi, laakiin dariiqa aad u marayso himiladaadu, waa in uu noqdo mid aan sharaftaada dhaawac u geysanin oo xalaal ah. Wax weyn aad u rajayntu ama hanweynidu sideedaba waa sifo dhalan ah oo aan tabnaan iyo tognaan midna lagu tilmaami karin. Sida sifooyinka kale ee aadamaha dabcigiisa ku jira, si weyn wax u rajaynta ama hanweynidu dhinacna uma badna ee waa dhexdhexaad. (Waayo cid waliba xaq ayey u leedahay in ay si weyn wax u rajayso. Laakiin cidina xaq uma laha in ay wado qaldan u marto waxa weyn ee ay ku riyooneyso).

Sifada shanaad:

Sifada shanaad ee dabciga aadamaha kamidka ahi, waa jaahilnimada. Ma jiri karo qof wax walba aqoon u lihi. Taasi macnaheedu waxa uu yahay, si kastood u tahay waayo-arag amaba aad u aqoon badan tahay, go’aan kasta oo aad qaadato ama ficil kasta oo aad samaysaa waxa uu ku jaan-go’an yahay nooc qiyaaseed oo caqligu sawirtay. Sababta oo ah, weligaa ma garan kartid dhammaan xaqiiqooyinka; mana jiro meeshaas wax kuu damaanad qaadi karaya in ficilkaagu yahay mid ku siin doona natiijadii aad u baahneyd. Waxa mar walba waajib kugu ah in aad ku shaqayso; kuna go’aan qaadato heer sugan oo yaqiineed.

Taasi waxa macnaheedu uu yahay, ilaa heer cayiman in qof kastaaba jaahil wax ka yahay. Dadku way sii kala jahli badan yihiin. Laakiin qof weliba waa jaahil, sababta oo ah qofna aqoon uma yeelan karo wax kasta, xitaa waxa uu takhasuska u leeyahay.

Dhaqaajiyaha kugu riixa in aad wax ogaato, in aad wax raadiso, in aad khatar yarayso adiga oo korodhsanaya xadiga aqooneed ee laga hayo maduuc khaas ahi, waa sababta ugu weyn ee ka dambaysa in xadiga aqooneed ee aadamuhu uu sii laba jibaarmo labadii sanno ama saddexdii sanno ee kastaba hal mar, casrigan aynu ku jirno. Dad faro badan oo takhasusyo kala duwan leh ayaa casrigeenan maanta waxa ay kasban karaan aqoon iyo macluumaad tiro badan marka dib loo fiiriyo guud ahaan taariikhda aadamaha sidii awal hore ay ahaan jirtay. Xawaaraha kasbashada aqooneed waa mid xawli ku socda. Sababta oo ah waxa si la saadaalin karo aynu u yaqiinsannahay, in dhammaanteen uu jiro wax aynu jaahil ka wada nahay, ilaa heer cayiman.

Sifada lixaad:

Sifada lixaad ee dabciga aadamaha kamidka ahi, waa dadka oo ku faana nafahooda, muuqaalkooda, guulahooda, qoysaskooda, shaqadooda iyo hantiyahooda. Aadamaha oo dhammi wuu jecel yahay in uu soo jiidto quluubta dadka iyo in ay dadku wanaagyadiisa sheegsheegaan. Waxa taas macnaheedu yahay, dad oo dhammi wuu is cajabiyaa ilaa laga gaadho heer cayiman oo aan la dhaafi karin.

Ka soo horjeedka iscajabintu waa isdhul-dhigid. Sidaasi darteed, iscajabintu waxa ay noqon kartaa shay fiican. Waxay in oo hoggamisaa in aynu u halganno qurux, caafimaad, maalqabeenimo, guul, iyo xaqiijinta waxyaabo la taaban karo oo maadi ah. Iscajabintu waa awoodda dhaqaajineed ee ka dambaysa ka ganacsiga dharka, agabyada guryaha iyo xafiisyada, ka ganacsiga guryaha, gaadiidka, waxyaabaha jidhka la mariyo, ka ganacsiga madadaalada, ka ganacsiga ciyaaraha iyo rabitaanka loo hayo aasaasidda shirkado guuleysta. Sidoo kale, waa awoodda dhaqaajineed ee ka dambaysa muujinta dhaqdhaqaaq siyaasadeed, taasi oo saamayn mug leh ku yeelata, dhammaan xulashooyinkaaga iyo go’aammadaada.

Haddiiba iscajabintu ay tahay, mid kugu dhiirigelineysa in aad samayso waxyaabo ku siin kara qadarinta iyo ixtiraamka kuwa kale, waaba sifo wanaagsan. Laakiin haddii iscajabintu ay noqoto mid kugu hoggaamisa, in aad samayso amaba aad tidhaahdo waxyaabo sharafta—sharaftaada iyo sharafta kuwa kale—dhaawacaya, waa sifo aan wanaagsaneyn (heesbay ereyadeeda kamid ahayd “muxuuu nacas ku faannay, fariid wax aanu yeelayn…”). Laakiin asal ahaanteed, ma xuma; mana wanaagsana. Iscajabinta aadamuhu sida dhifka ah waa xaqiiqo jirta, sida cimilada oo kale. (qaabkii la doonaba ha loo dhigo’e iscajabintu waa dhalan aadamaha oo dhan ku abuuran, laakiin mida qudha ee lagu kala duwan yahay waa sida loo muujiyo ama loo soo bandhigo. La wada faani og, laguse kala xariifsan).

Sifada todobaad:

Sifada todobaad ee dabciga aadamaha kamidka ahi waa samir yarida. Tani waa mid ku salaysan xaqiiqada la xidhiidha in qof kastaaba wakhtiga taagan ka jecel yahay, wakhtiga iman doona (hadhaw ka jecel yahay hadda). Qofna ma jecla dib u dhigista wakhtiga. Haddii aan boqol doolar kuu balan qaado, oo aan awoodo in aan maanta ku siiyo amaba sanad kaddib, keebaad dooran lahayd? Haddii aad tahay qof taam ah, waxa aad dooran lahayd in markiiba boqolkaas gacanta lagaa saaro. Kaliya tani waa aadamaha dabcigiisa.

Maxay sidaas u noqotay? Maxaa yeelay noloshaada ayaa kula qiime weyn; bustaanka noloshaaduna waa wakhtigaaga.

Guud ahaan dhaqaalaheena maanta waxa dhabarka ka riixaya rabitaanada macaamiisheena, oo ah in loo diyaariyo waxyaabaha ay u rabaan sida ugu dhakhsaha badan, ugu fudud, ugu casriyeysan, ugu tayada badan; uguna jaban qiime ahaan marka loo eego sidii awal hore.

 

Qore: Maxamed C/kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply