Jaamacadda Hargeysa oo Tababar u Furtay Ardayda Takhasuska Sare ee Caafimaadka Barata

0
171

Hargeysa (Dawan)- Jaamacadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa Jaamacadda ISTANBUL MEDENIYET University ee laga leeyahay dalka Turkiga oo shalay tababar aqooneed u furtay ardayda dalka ee takhasuska sare ee caafimaadka barata. Tababarkaasi oo ay ardaydu ku qaadan doonto Cisbitaalka Guud ee Hargeysa iyo Isbitaalka Manhal Hargeysa.

Tababarkan oo uu daahfuray Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland agaasime ku xigeenka Cisbitaalka guud ee Hargeysa, agaasimaha cisbitaakla Manhal ee magaalada Hargeysa, Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Somaliland madaxda iyo maamulka Jaamacadda ISTANBUL MEDENIYET University ee laga leeyahay dalka Turkiga iyo ardayda baranaysa Tababarkan.

Hormuudka kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa Dr. Ayaanle Saleebaan Hagoog ayaa ugu horrayn hadal ka jeediyay munaasibadii lagu daahfurayay tababarkaasi, waxaanu ka warramay mihiimadda uu ardayda u leeyahay tababarkani aqooneed, waxaanu yidhi “Ujeedada aynu maanta halkan isugu nimid waa laba qodob, midi waa daahfurma qaybtii labaad ee takhasusaadka jaamacadda Hargeysa oo aan odhan karo waa jaamacadii ugu horreeyay oo borogaraamkan takhasusaadka ah bilawday, midna waxa weeye tababarkan aqooneed oo ay ka qayb qaadan doonaan ardayda takhasusaadka baranaysa, dhakhaatiirta ka socota cisbitaalada Hargeysa iyo Manhal, runtii tababaradani aad bay dalka ugu mihiim yihiin wax waynna way ka tari doontaa gaar ahaan qaybaha qaliinka oo kale oo uu dalkeenu aad ugu baahan yahay .”

Agaasime ku xigeenka guud ee cisbitaalka Hargaysa ayaa isaguna goobtaasi ka hadlay waxaau sharraxaadka bixiyay xaaladda cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo halka uu hadda marayo, waxaanu yidhi “Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa waa cisbitaal qaran oo u adeega dhammaan bulshada reer Somaliland, adegaasi ka sokow cisbitaalka guud ee Hargeysa waxa uu bixiyaa tababaro caafimaad, jaamacadaha Hargeysa intooda badan ardayda ka barata caafimaadka waxay tababar ku soo qaataan cisbitaalka Hargeysa, cisbtaalku markaa waa meel ardaygu ku tababarto xirfadiisana ku helo, waa meesha uu ka faa’iido aqoontii uu ku shaqo tagi lahaa ama ummada ugu adeegi lahaa. Cisbitaalku wuxuu bixinayaa oo uu siiyaa ardayga imkaaniyaadkii uu u baahnaa, qalabka lagu shaqeeyaa waa qalabkii cisbitaalka Guud, shaqaalaha iyo dadka la shaqaynayaana waa shaqaalihii cisbitaalk.”

 

 

 

 

Leave a Reply