Waxtarka Shimbiraha Hawada Lalaya!

0
295

Nadaafadda iyo in aanay wisikh yeelan ayaa muhiim u ah qalabka Xidigiska iyo hawada sare loo adeegsado (Astronomical equipment), si ay ugu sheqeeyaan sida ugu wanaagsan.

Sidaas darteed xarunta “European space station”  “ESA” kuna taalla dalka Faransiiska oo 22 dawladood xubno ka yihiin lana dhisay sanadkii 1975,  ayaa shaqaale ka dhigtay shimbir Gorgor ah si uu ilaaliyo nadaafada xaruntan.

 

Gorgorkan oo lagu magacaabo “Nalla” ayaa u sheqeeya sida qof  ilaaliye ah ( bodyguard)  iyo kaaliye isagoo ka ilaaliya shimbiraha iyo dhamaan wixii nadaafadiisa waxyeelo u geysnaya.

Waxa kale oo uu iyagana ka ilaaliya dhamaan xayawaanada kale ee hawada maraya, kuwaasi oo qaybta sare ee xaruntan nadaafad daro iyo waxyeelo kaleba  u geysanaya.

Adrian Rubio Botelho  oo ah ninka leh Gorgorkan ayaa ku tababaray inuu noqdo mid hawlahan ilaalinta nadafada si fiican uga soo baxa.

 

Leave a Reply