Masuuliyiinta KULMIYE oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Xafiisyada Xisbiga ee Hargeysa

0
164

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku Xigeenka 2aad Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen Axmed Cabdidheere iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Faysal Cabdiraxmaan Madar ayaa shalay soo kormeeray qaar ka mida Xafiisyada Xisbiga ee Degmooyinka Hargeysa iyo Goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.
Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbul-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo masuuliyiin kale, ayaa kormeeray xafiisyada xisbigu ku leeyahay qaar ka mid ah degmooyinka caasimadda Hargeysa iyo goobo ay ka socoto hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka dalku.

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE oo ay wehelinayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar, Guddoomiyaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Maroodi-jeex Marwo Muna Macallin, Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Maroodi-jeex Cabdirisaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi), Xidhiidhiyaha Gobolka iyo degmooyinka Maroodi-jeex Maxamed Yuusuf Caalin iyo xubno kale oo isugu jira fulinta iyo heer qaran ee xisbiga, waxa ujeeddada kormeerkoodu ahayd dardargelinta hawlaha xisbiga ee u diyaargarowga doorashooyinka soo socda iyo wacyigelinta qaadashada kaadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo hawsheedu gebogebo marayso.

Masuuliyiinta xisbigu waxay kormeerkooda ku soo mareen xafiisyada xisbiga KULMIYE ku leeyahay degmooyinka 26ka June, Ibraahim Kood-buur iyo degmada cusub ee Muj. Gacmo-dheere, kuwaas oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda, hawl-wadeennada iyo taageerayaasha xisbiga ee ku xidhan xafiisyadaasi, iyagoo Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee wehelinayeyna khudbado ay u jeediyeen ku hambalyeeyeen abaabulka iyo dardargelinta xisbiga ee ka socotada degmooyinkaasi.

Sudoo kale madaxda KULMIYE kormeereen hab-sami u socodka hawsha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee goobo ku yaal degmooyinka Ibraahim Kood-buur iyo 26ka June, waxaanay guud ahaan dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmooyinkaasi ku dhiirrigeliyeen inay qaataan kaadhka cod-bixinta oo ay ka faa’iidaystaan labada maalmood ee ka hadhsan waqtigii loo asteeyey inay diiwaangelintu socoto, si ay u gutaan xaqooda muwaadino ee ay leeyihiin iyo xuquuqda waddankooda ee ah inay codka siiyaan kolba ciddii dalka dan u ah.

 

 

 

Leave a Reply