La dagaalanka dhuxulaysiga, jarista dhirta, iyo xaalufinta ayaa ka mid ah waxyaabaha ay dawladda Somaliland sida weyn uga shaqaysay dhawr iyo tobankii sanadood ee ina dhaafay.
Qiyaas ahaan bishiiba ilaa dhawr jeer ayaa meello badan oo dalkan Somaliland ka mid ah waxaa laga fuliyaa hawl gallo lagula dagaalamayo dhuxulaysiga iyo jarista dhirta, oo la rumaysan yahay in ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka deegaanka ku dhacay.
Dedaaladaasi ay wasaaradda Deegaanku jirto ayaa inta badan laga fuliyaa ama ka dhaca goboladda bariga dalka, halka hal galadaasi ay wasaaradda deegaanka ka gacan siiyaan ciidamadda booliska iyo maamulka goboladda.
Waxaana hawl galadaasi lagu soo qabtaa qaar ka mid ah dadka dhuxulaysiga ku hawlan, kuwaasoo qaarkood la maxkamadeeyo, balse taasi ma keento inuu joogsado dhuxulaysiga iyo jarista dhirta.
Jarista dhirta iyo dhuxulaysiga ayaa la rumaysan yahay in ay qayb ka yihiin xaalufka deegaanka ku dhaca, iyo sidoo kale nabaad-guurka dhulkeena ku dhacay sanadihii u danbeeyay, taasoo qayb ka ah isbedelka cimiladda adduunka ee guud ahaanba caalamka ka dhacay.
Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland oo 22-kii bishan meello ka tirsan gobolka Daad-madheedh ka fulisay hawl gal la xidhiidhay la dagaalanka Dhuxulaysiga.
Hawl-galkaasi oo ay wasaaradda Deegaanku la kaashatay ciidamadda booliska ee gobolka Daad-madheedh, waxay ku bur-burisay goobo fara badan oo lagi diyaarinayay dhir la jaray si Dhuxul looga shido.
Tuullooyinka, iyo deegaamadii hawl galkaasi laga fuliyay waxaa ka mid ahaa Darrin-geel-Didis, Cabdalle Gudhan, Goroyo-Ood, Boodhlay, Koor-joog, Bali-Cilmi, Jameecaadka, iyo Xaaji Diiriye, iyo meello kale. Hawl-galkaasi oo uu hogaaminayay isku-duwaha wasaaradda Deegaanka ee gobolka Daad-madheedh, ayaa qayb ka ah qorshaha ay wasaaradda Deegaanka Somaliland kula dagaalamayso Dhuxulaysiga, iyo jarista dhirta.
Isku-duwaha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Daad-madheedh, C/khaddar Huruwaa Xaaji Abokor, oo kadib markii ay hawl-galkaasi soo gebagabeeyeen ka warbixiyay ayaa sheegay in ay ku qab-qabteen qaar ka mid ahaa dadkii Dhuxusha shidanayay. Waxaanu tilmaamay isku-duwuhu in hawl-gallo noocan ahaa oo ay sanadkii hore fuliyeen in dadkii ay ku soo qabteen xabsiga la dhigay.
“Waxaanu u baxnay hawl-gal balaadhan oo ku saabsan ilaalinta deegaanka, gaar ahaana Dhuxulaysiga. Hawl-galkaasi oo aanu ku soo marnay deegaamo badan. Hawl-galkani oo ah mid joogto ah, oo aanu Dhuxulaysatadda kula dagaalano” ayuu yidhi C/khadar Huruwaa.
Ciidamadda booliska ayaa gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ahaa raggii Dhuxulaysatadda ahaa ee goobahaasi dhirta faraha badan ka jaray ee Dhuxusha ka shiday. Kuwaasoo sharciga la hor gayn doono, sida kuwii sanadkii hore la soo qabtay.
Sida uu sheegayo isku-duwuhu, Waxaanu yidhi, “Sanadkii hore ee 2022-ka, waxaanu ku qab-qabanay niman badan, oo deegaan baabiiyeyaal ah, oo Dhuxulaysato ahaa, oo 23 ka mid ahaa la xukumay, ay na ku jiraan xabsiga”.
Isku-duwaha wasaaradda Deegaanka ee Daad-madheedh ayaa ugu baaqay dadka ku hawlan Dhuxulaysiga iyo jarista dhirta in ay ficiladaasi ka waantoobaan. Isagoona wacad ku maray in haddii ay hawlahaasi joojin waayaan in sharciga la marsiin doono.
Waxaanu yidhi, “Waxaanu uga digaynaa cid kastoo ku hawlan, ama ku foogan in ay dhibaateeyaan deegaanka, in ay faraha kala baxaan, oo ay ka joojiyaan dhibaatadda ay ku hayaan deegaanka. Haddii ay joojin waayaa na, waxaanu balan qaadaynaa in aanu sidii hore iyo si ka sii adag aanu ula dagaalami doono”.
“Waxaanu ugu baaqaynaa dadka deegaanka dhibaatadda ku hayaa, in ay ka waantoobaan dhibaatadda ay deegaanka ku hayaan. Haddii ay ka waantoobi waayaa na, waxaanu ku balan qaadaynaa in aanu sharciga marin doono” ayuu yidhi isku-duwuhu.
Geesta kale si loo xoojiyo hawlaha la dagaalanka Dhuxulaysiga, jarista dhirta, iyo xaalufinta deegaanka waxaa laga ma maar-maan ah in bulshadu ay wasaaradda Deegaanka gacan ka siiso arrintaasi. Waxaana jirta in dadweynaha ku nool ku nool tuullooyin ka tirsan gobolka Daad-madheedh ay hawshaasi wasaaradda kala shaqeeyeen.
Sida uu sheegay isku-duwaha wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda, oo dadweynahaasi uga mahad celiyay sida wanaagsan ew ula shaqeeyeen.
Isagoona qaybaha kale ee bulshadda deegaamadda kale ku dhaqan ugu baaqay in ay tuullooyinkan wasaaradda gacanta siisay ku daydaan oo ay la shaqeeyaan. “Waxaanu aad iyo aad ugu mahad celinaynaa dadweynaha deegaamadani, oo ka damqaday dhibaatadda lagu hayo deegaanka, maamuladda tuulooyinka, waanu uga mahad celinayaa sida ay deegaanka u ilaalinaynayaan, ee ay uga damqanayaan dhibaatadda deegaanka lagu hayo, iyo sida ay nola shaqaynayaan” ayuu yidhi C/khadar Huruwaa.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Dadweynaha deegaamadda kale ku nool, ee aan iyagu daacadda ka ahayn sidii deegaanka loo bad-baadin lahaa, in ay ku daydaan deegaamada la mid ah, ee aan dhulkoodda u ogolayn in geed laga jaro, in la dhibaateeyo, iyo in Daaqeen laga ooto”.
Dhinaca kale odayaasha, waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool deegaamadii laga fuliyay hawl-galadaasi ayaa soo dhaweeyay hawshan lagula dagaalamayo Dhuxulaysiga, jarista dhirta, xaalufinta deegaanka.Waxaanay sheegeen in ay la dagaalamayaan kana soo hor jeedaan kuwa deegaanka dhibaatadda ku haya. Kuwaasoo balan qaadeen in ay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda kala shaqayn doonaan hawl-galadda lagu la dagaalamo Dhuxulayaatada