Abaalka Ay Gashay Ayay Heshay!

0
318

Phil Knight oo ah ninka leh shirkadda weyn ee Kabaha iyo dharka samaysa ee Nike ee dalka Maraykanka ayaa sanadkii 1971 codsi u gudbiyay dadka iyo shirkadaha farshaxanka ah si ay ugu sameeyaan calaamadda ganacsiga ee shirkadda “Logo”.

Shirkadda oo wakhtigaasi uu aad hoos ugu dhacay dakhligeedu  isla markaana aan haysan lacag cadaan ah ayuu Mr.Phil sheegay in uu siin doono saacaddii $ 2 shirkadda ama qofka u sameeya, iyadoo weliba uu raaciyay in aanay wakhtigan bixin Karin ee ay dayn ahaan u yeelan doonaan, madaama aanay haysan lacag caddaan ah. Dhamaan shirkadaha farshaxanku way iska diideen iyadoo lacagta $ 2 aad ula yaabay ee weliba amaahda laga dhigay.

 

Laakiin gabadh lagu magacaabo Carolyn Davidson oo qaybta farshaxanka “Graphic Design” ka baran jirtay Jaamacadda Portland state University ayaa la kulantay Phil oo aad u werweraya waxayna u sheegtay inay iyadu ku samayn doonto $ 2 saacadiiba. Gabadhaasi ayay ku qaadatay samaaynta Logo-da shirkaddu muddo 17 saacadood ah.

 

Markii ay dhamaysay samaynta calaamadda logada shirkadda, wuxu u qoray jeeg $ 34 oo amaaha, isagoo u sheegay in aanay wakhtigan Baanka lacagi ugu jirin lana siin doono marka ay lacag dhigtaan. Calaamaddaasi waa kuwa maanta ugu caansan uguna quruxda badan dunida. Sanadkii 1983 oo shirkada Nike dakhligeedu heer aad u sareeya gaadhay ayuu Phil gabadhii Logada u samaysay u yeedhay waxaana uu siiyay Logada calaamadda shirkadda oo dahab laga sameeyay, isla markaana waxa uu shirkadda ugu daray hal saami (share ) oo uu siiyay oo abaal marin uga dhigay iyadoo wakhtigaa iyadana xaalku aad ugu xumaa. Shirkadda ayaa sanadkii 2015 heshay faa’iido dhan 273 billion (2015). Iyadoo gabadhaasina ay ku leedahay saami faa’idadaasi. Wanaagga aad samayso abaalkiisa waad helaysaa.

 

 

Leave a Reply