Taliska Ciidanka Booliska JSL oo Daraasad ku Sameeyay Qorshaha kor u Qaadista Xidhiidhka Booliska iyo Dadweynaha

0
163

Hargeysa (Dawan) Taliska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay soo bandhigey cilmibaadhis iyo daraasad lagu sameeyay sidii loo wanaajinlahaa xidhiidhka ka dhaxeeya booliska iyo bulshada muwaadiniinta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen khuburo ka tirsan ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay subax lagu soo bandhigey taliska guud ee ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Taliyaha ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa goob joog ka ahaa soo bandhigista cilmibaadhista la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta booliska iyo bulshada, maadaama boolisku yahay saaxiibka dadweynaha, waxaanu ku ammaanay khuburadii loo xulay cilmibaadhistan sida kartida iyo hufnaanta leh ee ay uga soo baxeen.

Khuburada cilmibaadhistan sameysay ee shalay soo bandhigtay waxa ay sheegeen in la islaqaatay sidii uu xidhiidhka bulshada iyo boolisku u noqon lahaa mid laga midha dhaliyo, isla markaana masuul kastana uu doorkiisa qayb muuqata uga qaadanlahaa.

Geesta kale waxa cilmibaadhistan lagu gorfeeyay in la dardargeliyo shaqooyinka maalinlaha ah ee bulshada loogu qabto saldhigyada, iyo in la helo nidaam isla xisaabtan shaqo oo lagu abaalmariyo saldhigyada kaalmaha hore kagala diyaarinta nidaam isla xisaabtan qoran, diyaarinta habka qiimaynta ee masuuliyiinta shaqada haya lagu qiimeeyo.

 

Leave a Reply