Wasiirka Maaliyadda oo Abaalmariyey Shaqaalaha Waaxyaha Dakhliga

0
296

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Amb. Rooda Jaamac Cilmi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Cismaan ayaa shalay si rasmi ah u furay Kulan-hawleedkii qiimaynta waxqabadka iyo abaal-marinta Waaxaha dakhliga (C/Berriga & Kastamada) ee sanadkii hore ee 2022-ka.

Kulan-hawleedkan oo sanadkiiba laba jeer la qabto waxa ay maamulayaasha gobolada iyo degmooyinka dalku ku soo bandhigaan wax qabadka xafiisyadooda, taas oo looga golleeyahay in la kala ogaado xafiiska gaadhay qorshihii ku-talo-galka dakhli ee laga rabay iyo ka aanay u suurtogalin, asbaabaha keenay hoos u dhaca ama kor-u-kaca dakhli, caqabadaha ka hor yimid xafiis kasta

Mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda iyo maamulayaasha gobolada iyo degmooyinku ayaa ku wadaaga kulanka wixii talo iyo tusaalayn ah ee lagu wajahayo lix-biloodka xiga.

Kulankaas ayaa waxa sidoo kale kasoo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Ambassador Rooda Jaamaca Cilmi, Agaasimaha Guud Md Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), Agaasimayaasha Waaxaha dakhliga, Cashuuraha Barriga, Kastamadda, Xidhiidhka Dadwaynah, Cududa Shaqaalaha iyo Dhaqaalaha ee Masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland.

Agaasimeyaasha Dakhliga ee Cashuuraha Berriga & Kastamadda oo hadal ka jeediyey ayaa kula dardaarmay hawlwadeenadooda inay labanlaabaan dedaalkooda gudashada waajibaadka soo saarista dakhliga.

“Waaxda Cashuuraha Berriga dakhligii loo qoondeeyey ka badan ayey soo saartay ilaahay mahadii, waxaana amaanteeda leh cashuur-bixiyeyaasha dalka” ayuu sheegay Agaasimaha Cashuuraha Berriga

“Waaxda Kastamada sannadkii hore ma gaadhin yoolkoodii, iyadoo wax gaabis shaqo aan ahayn, balse ku timi xaalada dhaqaale ee caalamka ka taagan,” ayuu sheegay Agaasimaha Kasmada.

Agaasimaha guud ee Maaliyadda md. Maxamed Xuseen Cismaan (Muadinka) oo hadal ka jeediyey ayaa kula dardaarmay hawlwadeenada waaxyaha dakhliga inay muujiyaan dedaalo dheeraad ah.

“Waxaan magan idiinka ahay in dakhligii sannadkii hore iyo ka qorsheysan 2023 aad ka badan soo saartaan, waxaanan diyaar idiinla ahay inaan idiin kala shaqeeyo wax kastoo idiin fududeynaya gudashada waajibaadkiina.”

Agaasimaha guud ayaa kula dardaarmay hawlwadeenada Dakhliga inay cashuur-bixiyeyaasha uula dhaqmaan si qiimo & lexejeclo leh

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Ambassador Rooda Jaamaca Cilmi, oo hadal ka jeedisay ayaa kula dardaarantay hawlwadeenada waaxyaha dakhliga in dedaalka ay muujiyaan lagu gaadhayo yoolka Wasaaradu hiigsanayso ee soo saarista dakhliga qaranka.

Marwo Rooda ayaa sheegtay in dhamaan wasaarada lala xisaabtamayo, shaqsi shaqsina dedaalkiisa lagula xisaabtami doono.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo kulanka furay ayaa kula dardaarmay inay gudashada waajibaadkooda sii kordhiyaan hawlwadeenada waaxyaha dakhligu, waxaanu yidhi,

“Waxaan marlabaad u mahadcelinayaa cid kasta oo dedaashay isla markaana gaadhay yoolkii laga rabay, waxaan mar kale u mahadcelinayaa cid kasta oo barro-dhaafisay yoolkii iyo qorshahii laga filayey.

Dr Sacad ayaa u sheegya in waajibaadka laga sugayo waxayaha dakhligu aan la gaadhay hadii aanay gacmaha isku qabsan fulinteeda qorshaha loo dhigay.

 

 

 

 

 

Leave a Reply