Cabsi oo Dhan Waa La Dersi Karaa Waana Laga Gudbi Karaa “Miyuu jiraa qof soo maray caqabado lamida kuwii aan hore u soo maray, laakiin ma yahay mid ka gudbay?”

0
648

Waxa jira war aad u wanaagsan oo daawo ka ah cabsida dib kuu haysa. Cabsi oo dhan waa la dersi karaa. Laguma baran karo tijaabin ku celcelin leh. Aduunkan maad iman adiga oo ku cigaalan nooc kasta oo cabsi ah. Markii aad dhalatay, adiga iyo ilme kale oo kastaaba waxa aydun lahaydeen laba sifo oo cajiib ah. Ta koowaad, gebi ahaanba waxa aad ahayd mid aan cabsi qabin. Ilmaha dhashay cabsiyo dabiici ahi kuma xeerna, marka laga reebo cabsida istaag ka dhicista iyo cabsida ooyitaanka aadka ah oo ay sababaan marka ilmuhu uu dareemo, wehel la’aan, gaajo, ama xumad iwm—si loo daryeello ilmaha. Waa dareen Alle uu ilmaha ku abuuray si aanu u dayacmin, maadaama ilmaha yari uu yahay mid aan dalabkiisa u sheegi karin cidda agjoogta.

Marka labaad, gebi ahaanba waxa aad ahayd mid waxa uu noqonayo—sida lab ama dhedig—Alle sii qorsheeyey. Ilmuhu dareenkiisa waxa uu u cabiraa si kalfurnaan iyo xorriyad leh, isaga oo aan garaneyn waxa dadka kale ay sheegayaan amaba ay ka fikirayaan. Marka uu doono wuu ooyaa, marka uu doono wuu qoslaa, marka uu doono wuu xamaartaa; waana arrin dabiici ah.

Laakiin marka aad weynaato, waalidkaaga iyo dadka kale ee kugu xeeraniba waxa ay bilaabaan, in ay ku baraan waxa laga cabsado si aad u cabsooto. Waxa ay bilaabaan in ay cabsi kugu barnaamijiyaan, taasi oo noqon karta mid dib kuu dhigta inta noloshaada ka hadhay. Tusaale ahaan, marka aad bilawdo sahaminta dunida kugu hareersan; dadkuna waxay bilaabi in ay ku yidhaahdaan waxyaabo ay ka mid yihiin, “Jooji waxaas!” “Meeshaas ka fogow!” “Waxaas ha taaban!” “Waxaas hoos u dhig!” “Meeshaas iskaga bax!”; waxana laga yaabaa in kelmadaha taban ee ugu awoodda badani ay noqdaan, “Maya! Waxaas ma samayn kartid!”

Carruurnimadaadii, mar walood isku daydo in aad wax taabato, wax uriso, wax dareen istidhaahdo amaba wax isku daydo, waxa jiray qof mar walba kuu sheegi jiray in aad waxaas ka joogsato. “Aad ayuu halis u yahay.” “Aad ayaad u yartahay.” “Meeshaas ka fogow.” Sida ay natiijadu tahay, wakhtigaas carruurnimada waxaad si dhugmo la’aan ah u qabatintay, aragtida ah in aad weli yartahay, daciif tahay; wax cusubna aanad samayn karin. Waxa aad iska dhaadhicisay, “In aanad weli noqon qof masuuliyad weyn xambaari kara.”

Waxa aad dhakhso u bilawdaa, kasbashada astaamaha ugu horeeya ee ka baqashada in aad fashilanto, taasi oo inta badan lagu muujiyo dareen ahaan ereyadan soo socda: “Ma samayn karo!”

Marka aad qaangaadh noqoto, jawaab celintaada koowaad ee aad ka bixiso wax kasta oo cusub, waxa laga yaabaa in aad is weydiiso sababta aanay munaasib kuugu ahayn. Haddii aanad ahayn mid taxadar badan, waxa aad hortegi doontaa maxkamadda nolosha; waxana aad noqon doontaa xeer-ilaaliye naftiisa la dacwiya. Waxa aad si dhakhso badan uga fikiri doontaa, asbaabaha keenay in aad hanan weydo riyooyinkaaga iyo ahdaaftaada. Waxa aad in badan naftaada kala shawri doontaa, waxyaabaha muhimka ah ee aad u baahan tahay in aad samayso, si aad ugu raaxaysato guushii iyo faraxadii aad raadineysay. Hery Ford, kol sii horeysay waxa uu yidhi, “Haddii aad rumaysan tahay in aad waxaas qaban karto ama aanad qaban karin, labada jeerba waad saxsan tahay.”

Cabsida labaad ee ugu weyn ee aad kasbato inta aad yartahay, waa cabsida ka baqashada diidmada. Cabsidani waxa ay kugu beerantaa, marka waalidiintaadu jacaylka ay ku jecel yihiin ay shuruud uga dhigaan habdhaqankaaga.

Ilmuhu waxa uu rabaa jacayl, si lamida sida ubaxuba uu u rabo roob. Ilmuhu wuxuu u baahan yahay amni iyo ogolaansho, in ka badan sida uu ilmuhu ugu baahan yahay cunto, biyo iyo nasasho. Ilmuhu waa mid gebi ahaanba ah caadifi; eray kasta iyo ishaaro kastana u turjunta si caadifadeysan. Waxa si weyn u saameeya deegaanka caadifadaysan ee uu ku soo dhex koro. Haddii waalidiintaadu ay si joogto ah kuu dhaliilaan; kuuna canaantaan, maadaama aad sidaas yeeshay ama aanad sidaas yeelin, adiga goor horeba waxa lagu soo baray in aad bedasho hab-dhaqannadaada, sidaasi darteed mar walba waxaad ahayd mid samayn jiray, wax uu filayey in waalidiintiisu ay raali ku ahaayeen.

Haddii aad la soo kortay ogolaansho la’aan iyo dhaliilo farobadan, marka aad qaangaadho inta badan waxa aad qoonsan doontaa ama aad si fudud uga cadhoondoontaa afkaaraha dadka kale. Mar walba waxa aad raadin doontaa raali ahaanshahooda—sida qofka aydun sheeko wadaagga tihiin, dadka meel kaala shaqeeya, maamulahaaga iyo qof kastoo aad qadarin weyn u hayso—ciddii ay doonaanba ha ahaadaane.

Dadka qaar ayaa aad uga naxa ugana murugooda dhaliisha, xiliga hore ee carruurnimadooda; taasina waxa ay dhaawac weyn u geysataa go’aan qaadashadooda marka ay qaan gaadh noqdaan. Haddii ay u maleeyaan in dadka ku hareeraysani aanay aqbalayn, xitaa dadka aanay aqoontaba u lahayn, markaas waxa ay noqdaan kuwo madluumsan oo kantaroolku ka lumo.

Caqabadda dadka intiisa ugu badan ka hor istaagta in ay samaystaan ganacsiyo u gaar ah ama ay shaqada bedalaan, waa cabsida ah in la aqbaliwaayo ama ereyada dadka kale kaga yimaadda ee arxan darada ah. Taasi bedalkeeda, maadaama oo sida ay u dhaqmaan cid ku jecel ama ku bogaadisa aanay haysan (macnaha cid dhiirigelisa), gebi ahaanba waxa ay ka caajisaan in ay far dhaqaajiyaan. Laakiin waxa wax laga xumaado ah: haddii aad farba qaadi weydo, xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan; mana xaqiijin doontid wax guul la yidhaahdo. Damaanada ugu weyn ee fashalku, waxa ay ku sii dhex qarsoon tahay, cabsida daran ee laga qabo in lagu aqbaliwaayo bilawga horeba.

Ka cabsashada in lagu aqbaliwaayaa—waa mid ku sifaysan dareen ah, “Waa in aan sidaas sameeyyo!” waa dareen khasbaya in aad u shaqayso sida kuwa kale la quman iyo in aad ka fogaato, wax kasta oo kuwa kale aan la qumaneyn.

Cabsiyaha aan sidaas u sii waaweyneyn ee fashalka iyo diidmadu, waa kuwo ay waxyeeladoodu yartahay. Waxa ay kugu dhiirigelin karaan, keliya in aad samayso waxa daruuriga u ah in la guuleysto. Dareenada yar yar ee isku-filaan la’aanta iyo hooseyn dareemistu, waxay kuu dhaqaajin karaan in aad noqoto, nooca shakhsi ee ay dadka kale u qushuuci doonaan; ayna ixtiraami doonaan. Sidaasi darteed, cabsiyahaas iyo dareenadaasi waxa ay metalayaan, dhiirigelimo togan oo ku salaysan hab-dhaqan wax dhisaya.

Cabsiyaha diidmada, marka loo muujiyo qaab aan waxyeelo u geysaneyn dareenada iyo afkaaraha kuwa kale, waxa ay sarre u qaadi karaan kaalinta aad bulshada kaga jirto. Doonista jecelaanshaha iyo aqbalaadda kuwa kale, waxa ay ku sii dhex jirtaa, ixtiraamka iyo qadarinta aynu u hayno, shareecada, qawaaniinta aynu dajisanay, niyadsamida guud, akhlaaqda iyo caadooyinka suurtogaliyey nolol hore u marsan.

Sida Aristotle mar sii horeysay uu sheegay, “Wax waliba dhexdhexaadkay ku wacan yihiin.” Wax qalad ahi kuma jiro wixii la xidhiidha cabsiyaha, mar haddii aanay ahayn kuwo awoodaada curyaaminaya. Sida ay nasiib daradu tahay, cabsiyuhu waa waxa dib u dhigay dadka intooda ugu badan, laakiin waa kuwo si fudud looga dawoobi karo.

Habka la isaga daweeyo cabsida fashalku waa sidan: mar waloo aad ka fikirto qofka ama xaaladda kaa dhigaysa mid qasan ama cabsi dareemaya, waa in aad caadifadahaas meesha ka saarto adiga oo isticmaalaya xeerka isku bedalka. Dheh ereyadan adiga oo ku celcelinaya, “Waan samayn karaa! Waan samayn karaa! Waan samayn karaa!”

Si aad uga soo kabato cabsida diidmada, dheh ereyadan oo ku celceli, “Waa inaanan sidaas yeelin! Waa inaanan sidaas yeelin! Waa inaanan sidaas yeelin!

U sheeg naftaada in aanad samayneyn wixii aanad dooneyn, iyo in aad samayn karayso wax kasta oo aad u rabto si dhab ah. Odhaahyadaas kore marka aad ku celceliso, waxa aad bilaabi doontaa in aad si buuxda u xakamayso caadifadahaaga. Waxa aad ka adkaan doontaa cabsiyaha kugu soo noqnoqda; waxana aad dhisan doontaa kalsooni-nafeed. Waxa aad bilaabi doontaa in aad ahaato mid aan la joojin karin.

Mar waloo si dhiiran aad wax u qabato; si kalsooni lehna aad ugu dhaqaaqdo dhanka riyooyinkaaga, waa marka awoodahaaga maskaxeed ay aad kuula shaqayn doonaan. Waxa aad soo jiidan doontaa dadka iyo waxyaabaha kale ee aad u baahan tahay, si aad u gaadho ahdaaftaada. Waxaad ahaan doontaa mid aad u togan; una samo-saadin badan. Caqligaaga xeesha dheeri wuu hawlgali doonaa, si uu u saameeyo dunida kugu hareeraysan. Waxa aad la kulmi doontaa  lama filaanno kala duwan oo nasiib wanaag leh.

Halkan waxa ah su’aal weyn oo aad is weydiin karto, si aad uga dul boodo caqabadaha dib kuu haya ee cabsida iyo shakiga; waxana ay tahay:  waa maxay halka shay ee ugu weyn ee aad ku dhiiran lahayd in aad ku riyooto, haddii aad hore u sii ogayd in aanad ku fashilmayn?

Dhab ahaan haddii aad haysan lahayd wax kastoo aad nolosha uga baahan tahay, waxaa aad ku riyooneysaa muxuu ahaan lahaa? Haddii aad isbedal ku samayn lahayd wax kastoo noloshaada khuseeya, maxaad rajayn lahayd in uu dhaco? Maxaad ku dhiiran lahayd in aad isku daydo, haddii wax caqabad ahiba aanay jirteen? Haddii guul laguu damaanad qaadi lahaa wax waloo aad ku riyoon lahaydba, muxuu noqon lahaa halka hadaf ee ugu weyn ee aad naftaada u dejin lahayd?

Ugu dhawaan qof waliba wuu yaqaanaa jawaabaha su’aalahaas. Laakiin islamarka aad ka fikirto jawaabtaada, cabsiyahaagu waxay kaa soo hujuumi doonaan meel kasta. Sidii nafo mooralku ka xumaaday, cabsiyahaasi waxa ay ka soo muuqan doonaan caqligaaga aan soo jeedin (your subconscious mind); waxana ay gudahaaga ka aloosi doonaan shaki iyo dabo-ka-warwar farobadan; waxana daciifi doonta aaminaadaadii ahayd in ahdaaftaas xaqiijintoodu ay kuu tahay suurtogal, laakiin waxa la joogaa wakhtigii aad ka takhalusi lahayd dhammaan cudurdaaradaada.

Halkan waxa ah hab wanaagsan oo aad ku tijaabin karto, caqabadihii iyo cudurdaaradii maskaxeed ee aad adeegsatay wakhtigii tegay ee kula hadhay. Weydii naftaada, “Miyuu jiraa qof soo maray caqabado lamida kuwii aan hore u soo maray, laakiin ma yahay mid ka gudbay?”

Su’aashani waxa ay kugu qasbi doontaa inaad naftaada daacad u noqoto. Waxa ay kugu cadaadin doontaa in aad waajahdo waaqica waayaha aad hadda ku jirto. Su’aashani waxay si dhakhso badan daboolka kaaga qaadi doontaa, cudurdaaradaada ah in aanad waxaas qaban iyo in aad noqoto waxa aad si dhaba u rabto.

Wax kasta oo laga yaabo in cudurdaarkaaga ugu fiicani uu yahay, waxa suurtogal kuu ah in aad ku kalsoonaato in ay jiraan kumanaan dad ah, kuwaas oo ay soo waajaheen duruufo ka xun abid kuwii aad ku riyooto in ay ku soo mareen. Welina dadkaasi mar qudha socodka may joojin; manay niyad jabin si ay u hantaan waxyaabo layaab leh oo noloshooda kor u qaada. Qoysaskooda iyo bulshooyinkoodaba waxa ay ku deeqeen waxyaabo waaweyn oo aad u qiimo badan; waxa dadkaasi ay sameeyeenna, adba waad samayn kartaa. Maxaa dib kuu haya?

Culimada maanta ee cilmi-nafsigu waxa ay daboolka ka rogeen laba sababood oo kaa dhiga mid cabsoonaya; hoosna u dhiga kalsoonidaada nafeed sida la cadeeyey.

Sababta 1aad ee hakad gelisa tamartaadu, waa adiga oo dareema in aanad haysan cid garab ku siisa.

Dr. Martin Seligman oo wax ka dhiga jaamacadda Pennsylvania, buuggiisa “Learned Optimism”, waxa uu sharaxayaa, cilmi-baadhis 25 sanno qaadatay, taasi oo laga yaabo in boqolkiiba sideetan ama in badan oo mujtamaca kamid ahi ay leeyihiin dareenkan qofka ka dhigaya mid dareemaya in aanu garab haysan.

Garab la’aan lala qabsaday waa adiga oo dareema in aanad waxnaba qaban karin, haddiiba aad isku dayi lahayd in aad wax ka bedasho xaaladda aad ku jirto. Waxa aad dareentaa sidii oo aad dabin ku jirto. Mar waloo fursad isbedal aad heshoba, waxa aad tidhaahdaa, “Ma awoodo! Ma awoodo!”

Sida uu sheegay caalimka cilmu-nafsiga ee Abraham Maslow, “Taariikhda jinsiga aadamuhu waa sheeko ku saabsan rag iyo dumar awoodiwaayey in ay awooddooda adeegsadaan; naftoodana wax yar ku iibiyey. Sababta kuugu wacan in aad wax yar naftaada ku iibiso ama aad awooddaada xaqirtaana, waa adiga oo fiiro la’aan aqbalay in wax aad u yar oo aad qaban kartaa uu jiro, si ay arrimahaagu isubedalaan. Waxa aad dareentaa hiil la’aan ama garab la’aan. (miyaad ilawday markii Nabigu N.N.K.H uu ku lahaa Abii Bakar Sidiiq R.C, “Ha murugoon, Alle S.W.T ayaa garabkeena taagane).

Sababta labaad ee dadka ka joojisa xaqiijinta guul weyn iyo gaadhista ahdaaf sarsare, waa iyaga oo jeclaysta ku sii negaanshaha soonaha faakihaysiga. Dhammaanteen waxa aan nahay makhluuqyo caadooyin leh. Waxa aynu samaynaa caadooyin, intaa kadibna caadooyinkeena ayaa ina sameeya, xitaa haddii aynaan raali kuba ahayn midhaha waaqica inooga soo go’a.

Xeerka caadooyinku wuxuu odhanayaa, hab-dhaqankaaga waxa xukuma caadooyinkaaga; islamarkaasina haddii aanu jirin go’aan waadix ah oo dhankaaga ka yimid amase aanay jirin xaalad ku carisa oo dibedda kaaga timid, waxa aad sii wadi doontaa in aad sidaadii hore isaga sii dhaqanto; soonahaagii faakihaysigana aad isaga sii  dhex jirto.

 

Qore: Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)

 

Leave a Reply