WEEDHA WARGEYSKA Garaad Tali Oo Tudhaale Ku Dar

0
155

Soomaalidu markay arrin ka yaabto ama liqi waydo ama uu lama filaan ku noqdo qadaf soo duulay waxay ku maahmaahdaa “Hashu maankayga gadaye ma Maansaarbay liqday” taasoo micne ahaan ka turjumaysa la yaabka timaado cilinkeeda la saari waayey.

Waxa taas ka dhigan oo umadda Somaliland laf-dhuun-gashay ku noqday dhambaallada qalafsan iyo afcaasha samo-talisnimada ka durugsan ee ka soo burqanaya qaar kamida Isimada Dhaqanka ee gobollada Sool iyo Buuhoodle ee ku sugan Magaalada Laascaanood, halkaana uu shirku uga socdo oo sida muuqata qaybtood carrabka iyo caloosha ku siddaan ujeeddooyin halis ku ah maslaxada iyo nabad-gelyada umadda ay hormuudka u yihiin.

Isimada Warbaahinta ka hadlayey labadii maalmood ee la soo dhaafay, qaarkoodna ay fagaareyaasha kala hadlayeen dadweynaha gadoodkii inay ka soo kabtaan loogu fasaxay banaanbaxyada ee iminka cajalada jibbada ah lagu shubay, waxay tumayaan durbaan dhiillo iyo dhibaato dannanaya oo aanay wali ka sal-gaadhin dambarkiisa. Weedhaha ka soo yeedhaya Oday-dhaqameedyadaasi waxa ay hurinayaan dab ay doonayaan inay ku gubaan shacbiga ku dhaqan Magaalada Laascaanood iyo soonnaheeda, kaasoo ay si badheedh ah xas iyo xaabo ugu tuullayaan, iyagoo ka faa’idaysanaya fursada loo siiyey inay magaalada u soo galaanย  si xoriyad ah, una yimaadaan gogosha wada-tashi ee uu fidiyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Isimada aan ka hadlaynaa waxa ay ka abaal-ka-darayaan firraaqa ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland siisay iyaga iyo kooxaha ay siidhiga belaayaada u tumayaan. waxa ay dafirayaan go’aanka ay dawladdu bulshada ugu damqatay ee ay kaga baaqsatay inay sugida amniga Laascaanood u adeegsato talaabo kasta oo lagama maarmaan noqota. sida inay Ciidamada amaanku waajibaadkooda qabsadaan oo ay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo fadqalallo iyo xaalad abuur ka samaysa gobolkaasi. Waxa ay sawir khaldan oo aan loo dulqaadan karin ka bixinayaan amniga iyo xasiloonida Magaalada Laascaanood, waxaanay tirtirrayaan wanaag kasta oo lagu afjarayey xiisada ka dhalatay dilalkii hore uga dhacay iyo kuwii ka dhashay rabshadihii dhalinyarada.

Iyadoo ay intaasoo qalad dhex dabaalanayaan, ayaa haddana waxa ay ku sii tirraabayaan fidmo iyo fool-xumo aan dhamaad lahayn, waxaana kelmadaha gefka ah ee ay ku hadlayaan kamida, inay dhegaha ugu ridaan dadka inay ku soo duusha Laascaanood Beel kamida bulshada Somaliland, waxa ay nidaamkii dawladnimada iyo qaranimada u rogeen wax qabiil ku adeegto, waxaanay gabi ahaanba inkirayaan horumarka iyo waxqabadka ka hirgalay gobolka Sool iyo deegaamada kale ee Somaliland.

Madax-dhaqameedka arrimaha aan ka hadlayno ku celcelinaya ee xadkii dhaqan, kii Islaam iyo Soomaalinimo ka gudbay waxa kamida Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Oday ku fadhiya Saldanad guun ah oo lagala hanweynaa inay abuurto nabiibnimo iyo fawdo.

Haddaba, Garaad Jaamac Cali iyo xubnaha kale ee ugu jiibinaya olollaha collaadeed, waxa la gudboon inay wax la hadhaan oo ay dhafoor taabashadooda tudhaale ku darraan, isla markaana haddii ay tallo iyo wanaag hayaan inta iminka jirta ku kordhiyaan, haddii kalena ayย  umadda wax ku tuhmaysa ee ay aqoonta iyo Isimnimada u hayaan luggooyada kala tagaan.

Shacbiga Gobolka Sool-na waxa looga baahan yahay in aanay ku hungoobin caddiifad, laab-la-kac iyo jibo oo aanay saydhin nimcada iyo horumarka ay haystaan. Waa inay ka digtoonaadaan shirqoolada iyo dibin-daabyada loo halloosiyayo, isla markaana la doonayo in lagu madalufiyo mustaqbalkooda iyo masiirkooda ummaddeed

Leave a Reply