Guddoomiyaha Saleebaan oo Sheegay in Macdanta Dalka Ku Duugani ay Tahay Asad Qaranku Leeyahay

0
250

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in Macdanta dalka ku duugani ay tahay asad Qaranku leeyahay, isla markaana aanu qofna sidnaba u sheegan karin, shaqsina aanu odhan karin anaa leh.

Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha guurtida ayuu u saaray soo lafagurka xeerkaasi, waxaanu u qabtay 14 cisho, waxaanu ku adkeeyay in ay keenaan maalinta 15-aad, waxaanu intaas ku daray haddii uu wakhtigu ku yaraado in ay fariin dib ugu celiyaan si wakhtiga loogu kordhiyo.

Waxaa uu ka codsaday guddida in ay golaha horkeenaan xeer Qaranka u qalma, isla markaana ilmaha ilmihiisu uu u aayo.

Waxaanu sidan ka sheegay fadhigii shalay ee golaha guurtida oo lagaga dooday xeerkan isla markaana mudanayaashi dooda ka qayb qaadanayay ay soo jeediyeen in guddi loo saaro, isna uu ka aqbalay markii doodu dhammaatay, isla fadhigana uu kaga dhawaaqay.

Waxaanu yidhi.“Macdanta Qaranka leh, shaqsina maleh, dawladdana u maamusha, liisana way siisa hadba ciddii la is leeyahay wax way qaban kartaa, hada waynu ku foofno nin waliba halkiisa ayuu ka guntaday, ILLAAHEY wuxu tusay dadkii in wax deg deg looga taajiro, awoodeediiba malaha shaqsigu, nin ILLAAHEY dhagxantaasi uun siiyo mooye, dhagxantaasina waynu wada rajeynayna in aynu gacanta ku dhigno.

Guddida dhaqaalaha ayaynu xeerkan u dhiibayna, waxa aanu idinsiinayna laba toddobaad, maalinta shan iyo tobnaad keena isaga oo lafaguran, haddii aad kaga bogan waydaan waanu kordhin doona mudada, bals xeer Qaranka u qalma ka soo dhiga”

Leave a Reply