“Hay’adaha dakhliga ururiya ee dawladda waxaa ka reeban in ay qaadaan waxaan aan shillinka Somaliland ahayn

0
184

Tog-Wajaale (Dawan): Xubno ka mida golaha wasiirrada JSL ayaa ka qayb galay munaasibad uu baanka dhexe ee JSL ku shaacinayay in ganacstadda Wajaale ay isticmaalaan lacagta shillinka qaranka.

Munaasibadaasi ayay u jeedadeedu ahayd in ganacstada degan magaallo-xuduudka Tog-Wajaale, ay dhamaan wax iibinta iyo wax iibsiga u isticmaalaan lacagta shillinka Somaliland.

Waxaana xafladaasi ka sooo qayb galay wasiirrada Maaliyadda, Ganacsiga, iyo Dalxiiska, wasiirka Tignoolajiyadda, iyo Isgaadhsiinta, wasiirka wasaaradda Maalgashiga Somaliland, guddoomiyaha baanka dhexe ee JSL, agaasimaha baanka dhexe, guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gabiley.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale, xubno ka socday ganacsatadda waaweyn ee ka hawl galla magaaladda Tog-Wajaale, guddoomiyaha ururka Sarifleyaasha Somaliland, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shirre, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa faah-faahin kq bixiyay muhiimqdda ay leedahay in la isticmaallo lacagta shillinka Somaliland.

Waxaynu yidhi, “Saddex sabababood dartood ba waxaynu u baahan nahay in aynu isticmaallo shillinkeenna. Lacagaha dalka lagu isticmaallo ee Dollar-ka, iyo Birrta, iyo kuwa kale, inagu waxaynu leenahay shillinka Somaliland. Inagu waxeena aynu isticmaall no, intii aynu dad qalaad waxoodda isticmaali lahayn.

Qodobka labaad na wuxuu yahay marka aynu isticmaal no shillinkeenu qiimo ayuu yeelanayaa, ee ayaynaan qiimo ridin lacagteenna.

Qodobka saddexaad na waxa weeye, shillinkeenu waa sida Dollar-ka, oo wuu fadhiyaa. In shillinkeenu fadhiisto, oo aanu qiimo dhac ku imanin, waa siyaasadda baanka dhexe, waa siyaasadda wasaaradda Maaliyadda. Waana in aad isticmaashaan shillinka Somaliland”.

Wasiirka Maaliyadda ayaa faray haayadaha dawladda ee dakhliga ururiya ee ka hawl galla Wajaale in ay ka reeban tahay in cashuurta ku qaadaan lacag aan ahayn shillinka Somaliland.

“Haayadaha dakhliga ururiya ee dawladda, waxaa iyaga ka reeban waxaan shillinka Somaliland ahayn in ay qaadaan ba. Ganacstadda, iyo dadweynaha na waanu ku dhiiri gelinaynaa in ay isticmaalaan shillinkoodda. Lacagteena shillinku waa Calan, halka shillinkaaga laga isticmaallo ayuun buu Calankaagu sudhan yahay. Meeshii aan lacagtaadda ama shillinkaaga laga isticmaali na, calankaagu ma sudhna”ayuu yidhi wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, iyo Dalxiiska JSL Maxamuud Xasan Sacad (Sajain), oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in wadan kastaaba uu isticmaallo lacagtiisa, isla markaana haddii sharciga loo raaco aanay suurto gal ahayn in dalka laga addeegsado lacago kale.

“Lacagaha baanan ayaa lagu kala bedeshaa, iyo xawaalado. Laakiin se, wadan kastaba waxaa gudihiisa wax lagaga iibsadaa lacagtiisa. Dollar ka in aan leenahay ayaad moodaa, birrta na in aan leenahay ayaad moodaa. Laakiin, ma lihin. Sharcigu haddii uu fulayo, qofku wax ba kuma iibsan kareen lacagta dalkiisa mid aan ahayn. Balse, imika waynu is baryaynaa, oo nidaamkii ayaa inaga lumay. Ma ba ay dhacdeen in wax lagu iibsado wax aan ahayn lacagteenna. Haddii aad Ethiopia, u gudubto, lacagta doolarka ah wax ba kuma iibsan kartid, cunto kuma cuni kartid. Waxaa khasab ah in aad lacagta Ethiopia wax ku iibsato.

Lacagteenna oo aqoonsigeenii (identity) ah, oo sumadeenii qaran ah, in aan had iyo jeer iska barrino aan wax ku iibsano, waa ceeb”ayuu yidhi wasiir Saajin.

Geesta kale Agaasiimaha Baanka Dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa isna tilmaamay in Baanka dhexe uu shanti sanadood ee u danabaysay qiimayn ku saabsan isticmaalka lacagta shilinka Somaliland ka sameeyay Tog-Wajaale.

Waxaanu sheegay in ay qiimayntaasi ka soo baxday in Wajaale ay muhiim u tahay in isticmaalka lacagta shillinka Somaliland uu noqdo mid gun iyo baar ba degmadda laga isticmaallo.

Waxaanu yidhi “Wajaale waxaa ku kulma lacagaha laba wadan, maadaama oo ay xuduud ku taallo. Iyadoo na baahi weyn loo qabo in laga isticmaallo lacagta shillinka Somaliland”.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku amaanay baanka dhexe ee JSL, iyo wasaaradda Maaliyadda, in ay isku miisaameen wixii soo galla ee dakhligoodda ah, iyo wixii ka baxaya oo ay gun-dhig u tahay in ay lacagteenu noqoto lacag fadhida.

“Wasaaradda Maaliyadda, baanka dhexe, iyo madaxda kale ee qaranku ba way ku amaanan yihiin in mudadi u danbaysay, ay isku miisaameen wixii soo galla ee dakhligoodda ah, iyo wixii ka baxaya oo ay gun-dhig u tahay in ay lacagteenu noqoto lacag fadhida”ayuu yidhi Jamaal Caydiid.

Dhinaca kale guddoomiyaha ururka Sarifleyaasha Somaliland oo isna halkaa ka hadlay ayaa balan qaaday in ay ka urur ahaan dhaqan gelin doonaan go’aamadda uu soo saaray baanka dhexe.

Waxaanu yidhi, “Urur ahaan in aanu anagu koow ka noqon doono, oo aanu hir gelin doono, go’aamadda halkan ka soo baxa. Dadweynaha reer Wajaale, waxaan leeyahay lacagta aynu leenahay waa shillinka Somaliland ee lacagteenna aynu hirgelino. Lacagta koowaad ha noqoto shillinka Somaliland”.

 

 

 

 

Leave a Reply