“Ma jirto sabab ay dowladdu u burburiso adeegyada aasaasiga ah ee ay u dhistay dadkeeda.”

0
175

London (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa beeniyay in ciidamada qaranka ee ku sugan magaalada Laascaanood ay duqaymo ka geysteen magaalada, isla markaana ay waxyeelo gaadhsiiyeen adeegyadii bulshada, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay dacaayad aan waxba ka jirin.

Dr Ciise oo Idaacada BBC, qeybteeda Af Ingiriiska wareysi la yeelatay Arbacadii ayuu ku sheegay in faafinta dacaayadahan been abuurka lagu qarinayo in ciidamada argagixso caalami ah ee ku dhuumaalaysanaya magaalada Laascaanood ay soo weerareen fadhiisimada ciidankeena.

“Waxaan haynaa maxaabiis Al-shabaab ah; waxa kaloo aan haynaa maxaabiis ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland; Xukuumad ahaan, waxaana diyaar u nahay inaan beesha caalamka tusno.” ayuu sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal la xidhiidha maxaabiis dagaal oo ay xukuumada Somaliland sheegtay in lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Dr. Kayd ayaa si adag u beeniyey inuu jiro dagaal u dhexeeya dawladda Somaliland iyo shacabka Laascaanood, waxaanu yidhi “Ma jiro dagaal u dhexeeya dawladda Somaliland iyo shacabka Laascaanood.

Dr. Ciise Kayd ayaa dhinaca kale sheegay in dagaalka uu ka yimid kooxo ku xidhan ururo argagixiso sida Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, oo shacabka magaalada ka saaray.

“Ma jirto sabab ay dowladdu u burburiso adeegyada aasaasiga ah ee ay u dhistay dadkeeda.” Tani xaqiiq ma aha; waa dacaayad iyo been cad oo lagu sameeyay sawiro la isku tolay (Photoshop) ah oo adduun kale laga soo qaaday oo lagana shaqeeyay. ayuu ku daray, Dr. Ciise.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay yihiin kuwo awood u leh inay dalkooda difaacaan, balse waxa uu tilmaamay in kooxihii weerarka soo qaaday ay ku dhuumaaleysanayaan magaalada, sidaasi darteedna ay ciidamada qaranka Somaliland is xakameeyeen.

 

Leave a Reply