Masuuliyiinta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo lagu soo Dhaweeyay Safaarada Somaliland ee Dalka Jabuuti

0
213

Jabuuti (Dawan) Safiirka Somaliland u fadhiya dalka D.Jabuuti, Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed ayaa shalay safaarada Somaliland ee dalkaaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa iyo duuliye Yaasiin Maxamed Cabdale iyo Duuliye Axmed Maxamed Xasan oo booqasho ku tagey safaarada Somaliland ee waddanka Jabuuti.

Maamule ku xigenka garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa Cabdiqaani Cali Ismaciil iyo Khaalid Khadar Xasaan oo katirsan masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee cigaal ee magaalada Hargeysa Ambassador Cabdifataax uga mahad celiyay soo dhawaynta uu safaraada ugu sameeyay weftiga iyo labada khabiir ee dhinaca duulimaadyada diyaraadaha.

Waxa kale oo kulanka soo dhawaynta ku sugnaa safiir ku xegenka safaraada Cabdillaahi Suldaan iyo shaqaalaha safaraada Somaliland ee dalka Djabouti.

 

Leave a Reply