Salman Rushdie oo markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii lagu qaaday

0
341

Salman Rushdie ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii Mindida lagu weeraray sanadkii hore xili uu ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday New York.

Wareysi uu siiyay The New Yorker,  Salman waxa uu sheegay in uu “nasiib leeyahay isaga oo Dareenkiisa ugu weyn ku tilmaamay mahadnaq”.

Qoraaga ku guuleystay abaalmarinta qoraalka loo yaqaano Novel-ka ayaa lagu weeraray masraxa ka hor khudbad uu jeedin lahaa bishii Ogosto wuxuuna lix toddobaad ku qaatay isbitaal. Waxay ahayd markii ugu horaysay ee uu Masrax yimaado, ka dib markii uu dhuumasho ku jiray tan iyo sanadkii 1988-kii ka dib markii uu hanjabaado kala kulmayay buuggiisii Aayadaha Shaydaanka.

Weerarkaa lagu qaaday oo uu Mindi ku soo weeraray Nin dhalinyaro ah oo Muslim ah waxa uu ku waayey hal il.

David Remnick, oo The New Yorker  ah ayaa Sir Salmaan la yeeshay Wareysi dhinacyo badan leh Salman Rushdie waxa uu ku bilaabay: “Waan fiicnaaday. Laakiin, marka la eego wixii dhacay, waan ladanahay”.

“Dhaawacyadii waaweynaa waa la bogsiiyey, asal ahaan, waxaan xannuun ka dareemayaa suulka iyo farta murdisada iyo qaybta hoose ee calaacasha. Waxaan wadnaa daaweyn badan oo gacanta ah, waxaana la ii sheegay inaan si fiican u shaqeynayo. ”

Balse waxa uu sheegay in ay ku adag tahay inuu wax qoraa sababo la xidhiidha dareen la’aan ka jirta qaar ka mid ah faraha.

“Waan awoodaa inaan kaco oo aan wareego. Markaan idhaahdo waan fiicanahay, waxaan ula jeedaa, waxaa weli jira qaybo jidhkayga ka mid ah oo u baahan baadhitaan joogto ah. Wuxuu ahaa weerar culus.”

Waxa uu sheegay in sidoo kale uu leeyahay nabaro maskaxeed oo ka dhashay weerarka, isla markaana ay tahay inuu dib u eego qaabkiisa amniga, isaga oo qarsoodi ku noolaa in ka badan labaatan sano.

Sidoo kale Salman waxa weli haya xannuunka Argagaxa ee PTSD, oo ah wixii ka dhashay weerarkii. Waxaana  uu sheegay in ay weli adag tahay inuu qorshe qoraal galo.

Ninka tooriyey Salman Rushdie, Hadi Matar, ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil.

Remnick waxa uu Sir Salman waydiiyay bal in uu u malaynayo in ay ahayd in uu helo ilaalo intaa ka badan ka dib markii uu u soo guuray New York 2000, isaga oo hore ugu noolaa dhulka hoostiisa muddo sanado ah?

“Hagaag, su’aashaas naftayda ayaan weydiinayaa, mana garanayo jawaabteeda,” ayuu yidhi.

Rushdie ayaa dhowaan qoray Buug cusub, oo la magac baxay The Victory City, weerarka ka hor ayuu dhameeyey waxaana la daabacayaa dabayaaqada usbuucan.

“Waxaan had iyo jeer aad isugu dayi jiray inaanan qaadan doorka dhibbanaha,” ayuu yidhi. “Markaa meeshaas ayaad iska fadhidaa adigoo leh, ‘qof baa mindi igu dhejiyay! Miskiin’… Taas oo aan mararka qaarkood u maleynayo!”

“Laakiin waxa aanan u malaynayn in ay tahay: Taasi waa waxa aan rabo in dadka akhrinaya buuggu ay ku fekeraan. Waxaan rabaa in iyaga lagu qabto sheekada, oo la qaado.”

Salman ayaa lagu qasbay inuu is qariyo kadib markii la daabacay Buugiisuu aayadaha Shaydaanka 1988-kii. Muslimiin badan ayaa arrintaas si cadho leh uga falceliyay, waxayna ku doodeen in sawirka Nebi Muxamed uu caayayo iimaankooda.

Waxa uu la kulmay hanjabaad dil ah oo ka yimi hogaamiyihii Iran ee wakhtigaas, Ayatullah Ruhollah Khomeini, waxaana madaxa Rushdie la dul dhigay lacag dhan $3m (£2.5m).

Fatwadu wali waa taagan tahay, in kasta oo dawladda Iran ay iska fogaysay go’aanka Mr Khomeini, haddana hay’ad diineed oo rasmi ah oo Iran ah ayaa abaal-marinta ku dartay $500,000 (£416,000) oo kale sannadkii 2012-kii.

Leave a Reply