Igor Mangushev: Xagjir Ruush ah ayaa lagu toogtay gudaha Ukraine ee Ruushku haysto

0
288

Kabtankii caanka ahaa ee Ruushka Igor Mangushev ayaa ku dhintay cisbitaalka, maalmo ka dib markii madaxa laga toogtay meel u dhow Ukraine-ta la haysto, saaxiibbadiis ayaa sidaa sheegay.

Xaaska Mangushev Tatyana ayaa dilkiisa ku tilmaantay mid qorshe ah.

Waxa uu taliye ka ahaa cutub ka tirsan la dagaalanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Luhansk ee la haysto, laakiin waxa uu sidoo kale ahaa mid ka mid ah aasaasayaashii koox calooshood u shaqeystayaal ah oo la dagaallamayay ciidamada Ukraine 2014-kii.

Xagaagii hore waxa la sawiray isaga oo sita nin lagu dilay Ukraine madaxiisa.

Muuqaalkaas oo la soo dhigay baraha bulshada bishii Ogosto, Mangushev ayaa sheegay in madaxa uu sitay uu lahaa nin dagaalyahan oo reer Ukraine ah oo la dilay isaga oo difaacayay goobtiisii shaqada ee Azovstal oo ah dekedda koonfureed ee Mariupol.

Ninkan xagjir ah, Mangushev waxa uu sheegay in Ruushku aanu dagaal kula jirin dadka shicibka Ukriane, balse uu haysto fikradda ah in Ukraine ay tahay “dawlad ka soo horjeeda Ruushka”, sidaa awgeed aanu wax dhib ah u arag inta reer Ukraine ee dhimatay.

Mangushev ayaa ka soo baxay dhaqdhaqaaqa neo-Nazi si uu u aasaaso koox calooshood u shaqeystayaal ah oo u gaar ah Yenot (raccoon).

Markii dambe waxaa la ogaaday in uu gacan saar la lahaa madaxii calooshood u shaqeystayaasha ugu caansan Ruushka, Yevgeny Prigozhin, isaga oo madaxa istiraatijiyad ahaan u ahaa.

Toogashadan ayaa dhalisay hadal haynta ugu badan ee ku saabsan cidda laga yaabo in ay ka dambeysay weerarka ka dhacay bar kontorool oo ku taalla magaalada Kadiivka ee laga haysto Ukraine, taas oo waxyar u jirta jiidda hore ee dagaalka.

Wararka Ruushka ayaa sheegaya in meel dhow lagaga toogtay rasaas 9mm ah oo kaga dhacday madaxa sare ayaa ka soo dhacday xagal 45 digrii ah. Mas’uuliyiinta dalka Ruushka ayaa wada baadhitaanno la xidhiidha dilka, mana jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay arrintan.

Rasaasta maskaxdiisa ku dhacday ayaa lagu muujiyey sawir  isaga oo jiifa sariir isbitaal.

Pavel Gubarev oo isana ah Ruush xag jir ah ayaa sheegay in qof kastaa uu ogaa cidda ka dambaysay toogashada isla markaana Prigozhin uu hadda aamusay.

Dagaalkan muddada 11-ka bilood ah ka socda dalka Ukrain waxa uu tamar galiyay dunida mugdiga ku jirtay iyo xagjiriinta Ruushka, waxaana uu ka dhex dhaliyay loollan.

Weerarkan dil ah ka dib, khabiir Ruush ah Mark Galeotti ayaa sheegay in ay tani muujinayso in Ruushku uu dib ugu laabanayo sagaashamaadkii, markaas oo uu dilku ahaa xeelad ganacsi, iyo khadadka u dhexeeya siyaasadda, ganacsiga, dembiyada, sidaa awgeed dagaalku hadda waxa uu u muuqdaa mid aan macno lahayn”.

Leave a Reply