Tababar la xidhiidha xogta Caafimaadka oo lagu Gaba’gabeeyay magaalada Berbera

0
236

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka waxa aynu ku soo qaadan doona wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, oo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ku soo afmeertay tababar ku saabsan    xogta caafimaadka oo shantii maalmood ee u dambagsay uga socday magaalada Berbera.

Tababarkan ayaa waxaa kasoo qayb-gelay Saraakiisha Maamusha Xogta Caafimaadka ee heer qaran, heer degmo, Cusbitaalada iyo madaxda xogta daawada iyo agabka Caafimaadka, waxa saraakiishan lagu tababarayay maamulka iyo maaraynta xogta.

Tababarkan ayaa kor u qaadi doona helida xogta Caafimaadka, daawooyinka iyo Xogta Caafimaadka ee dhamaan gobolladda iyo dagmooyinka, qayb-weyna ka qaadan doona dadaalada ay wasaaraddu ugu jirto tayaynta adeegyada Caafimaadka ee ay Qaranka uga masuulka tahay.

Leave a Reply