Waa Maxay Sanboor? Maxaa Dawo U Ah? Ama Looga Hortegi karaa?

0
936

Xubinta koowaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, xannuunka Sanboorka iyo waxa daawada u ah ama lagaga hortagi karo.

Qormadan waxa soo ururisay oo aanu ka soo xiganay mareegta ka shaqaysa arrimaha horumarinta caafimaadka ee Daryeel Magazine.

Sanboor (allergic rhinitis) waa nooc kamid ah xasaasiyadaha, waxaa sababa xasaasiyad kiciye aan inta badan dhib u laheyn jidhka,  waana  falcelin aan caadi ahayn oo uu jidhku la sameeyo walxa aan dhibaato u kuhayn jidhka Manka ayaa ah xasaasiyad kiciyaha ugu badan ee sababo samboorka.

Maxaa sababa sanboorka?

Marka jirkaaga uu la sameeya xidhiidh xasaasiyad kiciye, jidhku wuxuu soo daayaa maado la yidhaahdo histamine oo ah kiimiko kamid ah kuwa difaaca jidhka uu isticmaalo, kiimikadaan waxay sababeysaa astaamaha sanboorka lagu garto.

Xasaasiyad kiciyaasha waxaa kamid ah:

Cowska

Bustaha

Dhogorta xoolaha

Caaryada

Inta lagu guda jiro xilliyada qaar ee sanadka, waxaa laga yaabaa in uu bato sanboorka, sida xiliga qaboobaha iyo guga.

Astaamaha Samboorka

Astaamaha iyo calamaadaha caanka ah ee lagu yaqaano sanboorka waxaa ka mid ah

 

Hindhiso

San xidhan

San dareer

San cuncun

Qufac

Cunno cuncun

Indho cuncun

Ilmo ka dareeta ama kaa qubata

Madax xanuun badan

Daal

Inta badan waxaa la dareema kuwo kamid ah astaamaha kor ku xusan isla marka uu jirka la kulmo xasaasiyad kiciyaal.

Calaamadaha qaar sida madax xanuun soo noqnoqda ama daal waxaa la dareemaa marka uu jidhka marar badan la kulmo xasaasiyad kicye, qandhadu maaha   astaan lala xidhiidhiyo samboorka.

 

Waxa loo baahan yahay in aad dhakhaatiirta sijoogta ah ula xidhiidho, haddii aanay kaga hagaagin toddobaadyo gudahood.

Halista in Samboor uu yimaado

Xasaasiyad waxey saameyn kartaa qof walbo, hasa yeeshee waxaa unugul inuu ku dhaco qof tolkiisu ay qabaan xasaasiyado.

Waxyaabaha kale ee kicin kara ama kaaga dari kara samboorka waxaa ka mid ah:

Sigaar cabid

Kiimikooyinka qaar

Jawiga qabow

Huur

Dabeyl

Hawo wasakheysan

Cadaro

Dawooyinka samboorka

Waxaa loo daweeyaa qaabab kala duwan sida

Dawooyinka loo yaqaano antihistamin

Dawooyinka fura sanka

Dawooyinka lagu buufiyo sanka

FG: fadlan la tasho dhakhtar inta aanad bilaabin qaadashada dawo, markasta la xidhiidh dhakhtar aad ka qaadato talo iyo tusaale si aanay daawooyinku xannuuno kale kuugu keenin.

Sidee looga hortagaa xasaasiyadaha?

Sida ugu wanaagsan ee looga hortago inay soo baxaan astaamaha xasaasiyada waa inaad maareysaa inta aanu  jidhkaaga u jawaab celinin six un.

 

Saliida xabad sowdada iyo Sanboorka:

 

Cilmibaadhis lagu sameeyay 68 qof oo sanboor qabo ayaa waxaa looga daaweeyay saliida xabad sowdada, iyadoo weliba sanboorkii kaga buuray badankood, meesha awal ay qaadan jireen daawooyin dhowrkii maalmoodba weliba qaarkood ay waxyeello daawada ku reebtay.

 

Cilmibaaristu waxay sheegtay in saliida xabad sowdada subax kasta sanka duleeladiisa min hal dhibic lagu dhibciyo iyadoo gadaal loo neefsanayo, waxaana la wadayaa muddo 6 usbuuc ah, tan oo aad kaga reysan doontid ilaahay idinkii daawo sanboor.

 

Ilmaha yar ha ku dhibcinin saliida xabad sowdada ee labada farood foodooda saliida mari, kadibne waxaad ku aadinaysaa labada dul ee sanka, waxaana ilmaha amraysaa inuu neefsado, hadduu yar yahay oo aanu amarkaa ka qaadan karin, ku hay sidaa muddo 1 daqiiqo ah isagaa si aayar ah u neefsan doono, waa muhiim in ku daaweynta ugu yaraan la wado 6 usbuuc si wax looga garto, kuna dadaal hal maalin in aadan illaawin.

 

Xigashada Cilmibaarista: http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/23855426

 

Leave a Reply