“Xaalada Laascaanood waa mid la Siyaasadeeyey, Laguna Khalkhal Gelinayo Xasiloonida Somaliland

0
255

Hargeysa (Dawan)- Xukuumada ayaa ayaandaro ku tilmaantay in xubno beesha caalamku ka tirsan iyo Hay’ado ka jawaabaan fal-dambiyeedyo argagxisada iyo kooxo abaabulan oo khalkhalgelinaya xasiloonida Somaliland ka faafiyeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

War saxaafadeed shalay galab ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, looguna talogalay beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay gebi ahaanba been abuur yihiin eedaha laga sheegay xaalada Laascaanood, waxaanu u dhignaa sidan;

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si cad u deedafaysay dhammaan sheegashada iyo eedaymaha been abuurka ah ee ku saabsan xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Xaalada cakiran ee magaalada Laascaanood ayaa noqotay mid si weyn loo siyaasadeeyay, waxaana wali ka faa’iidaysanaya kooxaha abaabulan ee ka jira gobolka kuwaas oo si weyn ugu hawlan khalkhal galinta xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka Geeska Afrika.

Wasaarada Arrimaha Dibeda ayaa ku dhaliishay hay’adaha caalamiga inay dhiirigeliyaan wararka beenta ah ee argagxisadu faafinayso, “Waa wax laga xumaado in xubno ka tirsan beesha caalamka iyo ururro ay doorteen in ay ka jawaabaan fal-dambiyeedyo ay maleeshiyadda argagixisadu soo maleegeen oo ay ka faafiyeen arrinta Laascaanood. Gudbinta iyo ka falcelinta xogta khaldan ee aan la hubin, hay’adaha caalamiga ahi waxay ku dhiirigaliyeen xagjiriinta inay sii wadaan faafinta warar been abuur ah oo ku saabsan Somaliland inkasta oo taariikhda waddanku muddo soddon sannadood ku soo dhaqmayey nabad iyo dimoqraadiyad.

Xogaha khaldan oo lagu faafiyay sawiro iyo muuqaalo been abuur ah oo laga soo qaaday dagaalka Yemen iyo meelo kala duwan oo caalamka ah, ayaa dawladda Somaliland ku tilmaamaya mid duulaan soo qaaday, iyadoo ay xaqiiqadu tahay in xukuumaddu ay qaaday tallaabo kasta oo lagu soo soo celinayo nabadda iyo xasiloonida magaalada Laascaanood.

Dowladda Somaliland ayaa sii wada bixinta dhammaan baahiyaha aasaasiga ah sida raashinka, biyaha iyo agabka caafimaadka oo ay ka mid yihiin dawooyinka loogu talagalay dadka ku hadhay magaalada Laascaanood oo ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyaad Argagixiso ah oo xidhiidh la leh Ururrada Argagaxisada caalamiga ah ee Al-Shabaab, iyo Ciidamada Amniga Puntland.

War saxaafadeedka Khaarajiga ayaa si weyn loogu deedafeeyey in xukuumadu is-hortaagtay gargaar bani’aadantinimo, taasoo gebi ahaanba ka horimanaysa mabaadii’da, qiyamka iyo karaamada Qaranka JSL “Xukuumadda Somaliland waxay si adag u diidaysaa eedaymaha aan sal iyo raadka lahayn ee sheegaya in ciidamada qaranka Somaliland ay is-hortaag ku sameeyeen gargaar bini’aadantinimo oo la gaadhsiin lahaa magaalada Laascaanood, iyadoo arrintaasi gabi ahaanba ka hor imanayso mabaadii’da, qiyamka iyo karaamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Run ahaantii, ka dib weeraradii aan loo meel dayin ee ay malleeshiyaadku Somaliland ku soo qaadeen fadhiisimada ciidamada Somaliland ee Laascaanood 6-dii February 2023, waxa ay Xukuumadda Somaliland ka qayb-qaadatay gurmadyo kala duwan oo lagu taageerayo muwaadiniinta Somaliland ee ay saamaysay xiisadda Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland waxa ka go’an mas’uuliyaddana ka saaran inay tallaabo ka qaado oo ay si adag uga hortagto kooxaha argagixisada ah si ay u ilaaliso badbaadada muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan xuduudaheeda. Inta lagu jiro wakhtigan xasaasiga ah, xubnaha beesha waxaa lagula talinayaa in ay ka waantoobaan oo ay taageeraan wararka been abuurka ah ee aan sal iyo raad toona lahayn ee ka leexinaya xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Laascaanood, siina hurinaysa xiisadaha taagan.

Ugu dambayn, dawladda Somaliland ayaa ku nuuxnuuxsatay siday lagama maarmaanka u tahay in bulshada caalamku ay ku soo biiraan la-dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada, kuwaas oo khatar weyn ku ah nabad-gelyada, xasiloonida iyo dimoqraadiyadda Somaliland iyo Gobolka.

 

Leave a Reply