Madaxweynaha oo Kormeeray Laba Cusbitaal oo Kala Duwan

0
226

Hargeysa  (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay kormeeray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaraanka ee Birjeex. waxaanu intaa badan dul-istagay bukaan jiifka oo dhan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu duceeyay bukaanka in u Iillaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood. Isla markaarna waxa u Madaxweynuhu mid mid u gacan qaaday geesiyaashii Qaranka ee ku soo dhaawacmay Laascaanood, isaga oo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, dhakhaatiirtii u adeegaysayna madaxwaynuhu wuxuu u sheegay in ay dawladu waxwalba u hurayso daryeelkooda caafimaad.  waxaana uu ugu duceeyay in Illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo, kuwii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadkana naxariistii janno Alle  ka waraabiiyo.

Sidoo kale Madaxwaynhu waxa u caddeeyaay in geesiyaasha Qaranka ee dhawaaca ah dawladdu u hurayso wax walba daryeelkooda iyo caafimaadkooda, ismalarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.

Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyaay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyaga oo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysaba.

 

Leave a Reply