Haweenka uurka leh ee Ruushka oo u baxasanaya Argentina si ay dhalasho u helaan

0
215

In ka badan 5,000 oo haween Ruush ah oo uur leh ayaa galay Argentina bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo ay ku jiraan 33 ka mid ah oo hal duulimaad ku galay maalintii Khamiistii todobaadkii hore, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.
Dadkii ugu dambeeyay ayaa dhamaantood ku jiray toddobaadyadii ugu dambeeyay ee uurka, sida ay sheegtay wakaaladda socdaalka ee qaranka.
Waxaa la rumeysan yahay in haweenku ay doonayaan inay hubiyaan in carruurtooda ay ku dhasheen Argentina si ay u helaan dhalashada Argentina.
Tirada dadka imanaya ayaa kor u kacday dhawaanahan, taas oo warbaahinta maxalliga ah ay soo jeedinayso in uu yahay natiijada dagaalka Ukraine.
33 ka mid ah haweenka yimid ayaa caasimadda Argentina ku yimi hal duulimaad maalintii Khamiista, saddex ka mid ah ayaa loo xidhay dhibaatooyin ku saabsan waraaqahooda, iyaga oo ku biiray saddex kale oo yimid maalintii hore, madaxa hay’adda socdaalka Florencia Carignano ayaa u sheegtay La Nacion.
Haweenka Ruushka ayaa markii hore sheegtay in ay Dalxiis ahaan u booqanayeen Argentina.
Laakiin waxa la ogaaday in aanay halkaa u iman hawlaha dalxiiska, balse xaalado ka duwan, sida ay iyaga laftooda qireen.
Waxay sheegeen in haweenka Ruushku ay doonayeen in carruurtoodu ay helaan dhalasho Arjantiin sababta oo ah waxay siinaysaa xoriyad ka badan tan baasaboorka Ruushka.
“Dhibaatada ayaa ah in ay yimaadaan Argentina, si caruurtoodu dhalasho u helaan, ka dibna ay ka baxaan Argentine iyaga oo helay passport. Baasaboorka Argentine aad buu ammaan u yahay. Waxa lagu geli karaa 171 waddan oo bilaash ah,” ayay tidhi Ms Carignano.
Haysashada ilmo Argentine waxay sidoo kale dedejisaa nidaamka dhalashada ee waalidiinta. Sida ay hadda tahay, Ruushku waxay si bilaash ah ugu safri karaan 87 waddan oo keliya.dh yihiin, maadaama lagu eedeeyay inay yihiin dalxiisayaal been abuur ah. Kani waa erey aan ka jirin sharcigeena,” ayuu yidhi Christian Rubilar.
“Haweenkani dambi may gelin sharciga socdaalkana may jebin, si sharci darro ah ayaa looga qaadayaa xoriyadooda,” ayuu raaciyay.
Dagaalka Ukriane ka solow muwaadiniinta Ruushka waxaa soo jiitay xuquuqda ay fiisaha bilaashka ah ee Argentina, iyo sidoo kale daawooyinka tayada sare leh iyo noocyada kala duwan ee isbitaallada”. Ayey tidhi Ms Carignano.
“Dalxiiska dhalashada” ee muwaadiniinta Ruushka ee Argentina imanaya waxay u muuqataa mid faa’iido leh oo si fiican loo aasaasay.
Qiimaha dhalamada ayaa u dhexeeya laga bilaabo $5,000 (£4,144), oo ah qiimaha kowaad iyo qiimaha labaad oo ah dadka ladan oo ka bilaabmaya $15,000 (£12,433).
Sabtidii, La Nacion ayaa sheegtay in booliiska Argentina ay qaadeen weeraro taas oo qayb ka ah baadhitaan lagu sameeyay “ganacsi malaayiin doollar ah iyo shabakad sharci darro ah” oo lagu eedeeyay in haweenka Ruushka ee uurka leh ay siiyaan dukumeenti been abuur ah oo lagu soo saaray qiimo sare si loogu oggolaado inay degaan Argentina.
Booliska ayaa sheegay in kooxda burcadda ah ay ka dalaceen ilaa $35,000 (£29,011) adeega.
Ma jirto cid loo soo qabtay falkan, balse waxaa la sheegay in boolisku ay gacanta ku dhigeen Laptop-yo iyo Tablets iyo sidoo kale warqadaha socdaalka iyo lacag aad u badan.

Leave a Reply