Macron oo sheegay in ay tahay in Putin laga xayuubiyi sharafta ugu saraysa ee Faransiiska

0
219

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo inuu Vladimir Putin ka xayuubiyo sharafta billada ugu saraysa ee Faransiiska.

Hogaamiyaha Ruushka ayaa sanadkii 2006 la guddoonsiiyay Bilada Sharafta ee loo yaqaan Legion d’Honneur taas oo uu gudoonsiiyey Madaxweynihii hore ee Faransiiska Jacques Chirac.

Magaca Legion d’Honneur waa nidaamka ugu sarreeya ee Faransiiska ee mudnaanta, labadaba dhinaca milatari iyo rayidba, waxaana la aasaasay 1802 oo uu aasaasay Napoleon Bonaparte.

Balse Mr Macron ayaa sheegay in uu sugayo “wakhtiga saxda ah” si uu xilka uga xayuubiyo madaxweynaha Ruushka.

Waxa uu ka hadlayey ka dib markii uu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky abaal-marin u siiyay Arbacadii.

Mr Macron ayaa sheegay in su’aasha ku saabsan bilada Mr Putin ay tahay mid calaamad u ah balse muhiim ah.

Inkasta oo madaxweynaha Faransiiska uu sheegay inuu aaminsan yahay inuu xaq u leeyahay inuu ka noqdo sharaftii, haddana wuxuu raaciyay: “Ma aha go’aan aan maanta qaadanayo.”

Go’aamada noocan oo kale ah “had iyo jeer waa kuwo macno leh, waxaanan u maleynayaa inay tahay inaad qadariso wakhtiga saxda ah si aad u sameyso,” ayuu yidhi.

Maamuuskan ayaa waxaa la siiyay madaxweyne Putin, xilli uu xidhiidh dhow uu ka dhaxeeyay Faransiiska iyo Ruushka.

Balse duulaankii uu Mr Putin ku qaaday dalka Ukraine bishii February ee sanadkii hore ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn ballaadhan, waxaana Midowga Yurub uu cunaqabateyn adag oo dhanka dhaqaalaha ah ku soo rogay Moscow.

In kasta oo Mr Macron uu dhaleeceeyay duullaanka, haddana wuxuu marar badan taleefoon kula hadlay Mr Putin dadaal uu ku doonayo in xabad-joojin iyo wada xaajood lagu dhammeeyo.

Faransiisku wuxuu isku dayaa inuu sii wado wadahadalka Kremlin-ka oo ka duwan mawqifyada Maraykanka iyo UK.

Mr Putin ma aha hogaamiyihii ugu horeeyay ee muran dhaliyay ee loo dhiibo sharafta ugu sareysa ee France.

Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad ayaa abaal-marintan waxa ku sharfay Mr Chirac sannadkii 2001, wax yar uun ka dib markii uu xukunka la wareegay geeridii aabihiis Hafez al-Assad.

Abaalmarinta ayaa la soo celiyay sanadkii 2018, iyada oo Suuriya ay sheegtay in Al-Asad aanu xidhan doonin abaalmarinta “addoon” ee Maraykanka.

Sannadkii 2016-kii, madaxweynihii xilligaas ee Francois Hollande ayaa magaca dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Nayef ku abaalmariyay, isaga oo u sababeeyay dadaalka uu u galay la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada. Tani waxay ahayd wax yar uun ka dib markii Mr Hollande uu cambaareeyay xukunnada dilka ah ee ka dhacay Sacuudi Carabiya.

Ma noqon doonto markii ugu horeysay ee Mr Macron uu qof ka xayuubiyo sharafta. Abaalmarintan ayuu kala noqday maalqabeenka Hollywood-ka Harvey Weinstein ka dib markii uu ku soo oogay eedeymo fara badan oo isugu jira faraxumeyn iyo kufsi.

 

 

Leave a Reply