Natiijada Samfalka Iyo Naxariista

0
335

Gabadh ka tirsan boolis dalka Argentina ayaa aad loo amaanay, ka dib markii sawir ay leedahay uu ku faafay barasha bulshada. Wakhtiga sawirka laga qaaday waxay nuujinaysay ilma yar.

Gabadha Celeste Ayala  ayaa booqatay Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee  Sor María Ludovica kuna yaalla caasimadda dalkaasi ka dib markii loo sheegay in Ilma yar oo aan hooyadii laga joogin uu ka ooyayo xoolkiisa, kaasi oo dhowaan dhashay. Miss.Ayala oo iyaduna dhowaan umushay ayaa markii ay ilmaha yar argaty naaska siisay, arinkaasi oo bulshadu aad ugu farxaday samafalka ay u samaysay ilmahaasi yar.

Sida lagu baahiyay CNN gabadhan ayaa xidhnayd dharkii dirayska booliiska ee aadiga ah markii ay ogaatay in ilmaha yari u baahnaa caano.

Dad gaadhaya 112 kun oo qof ayaa arintaasi mahadnaq uga sameeyay , iyagoo ku tixgelinaya dareenkeeda hooyanimo, iyo dhaqanka kalgacalka ah ee ilmaha yar u samaysay.

 

Warar xukuumadda ku dhow ay sheegaya in ilmahan yar hooyadii laga fogeeyay wakhti danbe oo habeenkii ah inkasta oo aan la cadayn sababta.

Gabadhan booliska ah ayaa ku heshay dalacaad heer saarkaal ah iyadoo weliba loogu mahadnaqay samaflka ay ilmaha yar u samaysay.

 

Leave a Reply