Wasaaradda Maaliyadda oo Bulshada u mahadcelisay, fariin muhiim ahna la wadaagtay

0
186

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo bulshada u mahadcelisay ayaa la wadaagtay fariin muhiim ah oo ay kaga dalbanayso inay soo bixiyaan cashuurtii waddo-marista.

Qoraal Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda shalay ku baahisay baraheeda bulshada ayaa lagu sheegay inay marwalba u mahadcelinayso cashuur-bixiyayaasha bixiyey cashuuraha ku waajibay.

Sidoo kale Wasaarada Maaliyadda oo fariin muhiim ah la wadaagtay bulshada ayaa ku wargalinaysay in ay socoto qabashada cashuurta wado-marista lix-biloodkii hore ee January-Juna, 2023, isla markaana muwaadiniintu iska bixiyaan cashuuraha waddo-marista gaadiidkooda ku waajibtay.

Sidoo kale, fariinta Wasaarada ayaa lagu sheegay inay muwaadiniinta u furan tahay qofkii hal mar wada bixinaya dhamaan sannadka 2023.

 

 

 

 

Leave a Reply