Wasiiro Xukuumada ah iyo Masuuliyiin kale oo dhambaal u diray dalka Turkiga

0
177

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ugu diray shacabka iyo xukuumada dalka Turkiga dhimashadii, dhaawacii iyo burburkii ka soo gaadhay masiibadii dhulgariirka haleeshay todobaadkii hore.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise oo ay weheliyeen Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-xigeenka Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Marwo Edna Adan oo shalay booqasho ku tegay xarunta Qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa, ayaa mid mid u saxeexay buug tacsi oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ku dhuftay Koonfur-bari ee Turkiga, February  6, 2023.

Sidoo kale, dublamaasiyiinta Ingiriiska iyo Taiwan ayaa sidoo kale saxeexay buuga tacsida ee xafiiska Turkigu ku leedahay dalka.

 

 

Leave a Reply