“Arinta Sool way Dhamaanaysaa Xukuumad Ahaanna Waxaa Naga Go’an in Wadahadal Lagu Dhameeyo”

0
271

“Waxaanan idinka codsanaynaa in ergadaa aanu idiin soo dirnay aad isa soo hor fadhiisataan oo wixii jira aad ka wada hadashaan…” C/raxmaan Saylici

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil 9Saylici), ayaa sheegay in ay wada hadal ku dhamaynayaan xaalada ka taagan gobolka Sool  gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Saylici, waxa uu tilmaamay in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay in wax kastoo tabasho ah oo jira xaladda taagan ba lagu dhameeyo wada hadal, iyo in la isa soo hor fadhiisto oo waxa jira laga wada hadlo.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay furitaanka bandhiga Carwadda Ganacsiga Somaliland oo laga furay magaaladda Hargaysa.

Waxaanu sheegay C/raxmaan Saylici,  in ay dhawaan Sool u dirayaan xubno madax dhaqameed reer Somaliland oo garraadadda gobolka Sool kala soo xaajoodda waxyaabaha ay cabanayaan.

Waxaanu yidhi, “Arrin khaldan baa socota oo aanaan weli fahmin, oo xukuumad ahaana aanu is waydiinay. Iyadoon dhibi jirin, ayay dadkii socdaan, oo wakhtigoodii ay luminayaan, oo ay tacliintii caruurtii ka kaxaynayaan.

Walaalahayo waxaanu leenahay, dhibta Sool taalaa na way dhamaanaysaa, Shaydaan baa ka addeegaye, way dhamaanasyaa insha Allaah. Anagu haddii aanu xukuumadii nahay na, waxaanu diyaarinay dhaqankii Somaliland oo halkaa (Sool) tegaya, oo u tegaya walaalahoodaa kale ee Garraadadda reer Somaliland ee reer Laascaanood, oo si kale wax isku tusay, in ay u tagaan, oo ay kala soo xaajoodaan”.

Geesta kale C/raxmaan Saylici, waxa uu xusay in ergadda madax dhaqameedka ah ay xukuumadu siisay awood buuxda in wax kastoo ay soo go’aamiyaan ay xukuumad ahaan qaadanyaan, sidaas darteed na waxa uu garraadadda ugu baaqay in ay iyagna ergadda soo hor fadhiistaan.

“Waxaanan siinay awood buuxda (full mandate), wax allaale iyo wixii ay isla soo gartaan. Waayo? Maanta xaggan waxaa ka talinaya, garraado dhaqan ah, markaa waxaan leenahay, gadh ba gadh baa la tusaaye, xukuumadii aad ka cabanayseen idiin maa naan soo dirin, ee waxaan idiin soo dirnay garraadadii idiin dhigmayay.

Waxaanan idinka codsanaynaa in aad soo fadhiisataan, oo ergadaa aan idiin soo dirnay, isa sa soo har fadhiisataan, oo wax allaale iyo wixii jira aad ka wada hadashaan, ayaanu aad iyo aad idiinka codsanaynaa” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici.

 

Leave a Reply