“Wasaaradda Deegaanku waxay u xil saaran tahay ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxanay heshiis kula jirtaa haayadda CCF…”

0
208

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL ayaa sanadihii u danbeeyay si weyn ugu hawlanayd sidii wax looga qaban lahaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta, maadaama oo ay Somaliland safka hore kaga jirto dalalka sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Ugaadha.

Qorsheyaashaasi ay Somaliland kula dagaalamayso joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta waxay la kaashatay haayado kala duwan oo caalami ah, kuwaasoo ay ka mid tahay haayadda Cheetah Conservation Fund, oo kala shaqaysa wax ka qabashadda ganacsiga Ugaadha.

Waxaana wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda CCF ay ku wada jiraan heshiis dheer oo ku saabsan xakamaynta ugaadhsiga, iyo dhoofinta, sharci darrada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka, kaasoo la rumaysan yahay inuu adduunka ka sii dabar-go’ayo.

Sidoo kale wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka Cimiladda Somaliland waxay dhawaan heshiis la xidhiidha ilaalinta duur joogta la gashay dawladda Tiawan, oo xidhiidh dhinacyo badan leh uu kala dhexeeyo jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasina waxaa shaaciyay Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL Maxamed C/laahi Ducaale, oo hadal ka jeediyay kulan muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa, la xidhiidha la Dagaalanka Sharcidarada ah ee duur joogta Iyo ilaalinta Kheyraadka Dabiiciga ah, kaasoo ay qabatay wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, madaxda haayadda CCF, diblomaasiyiinta ka socda safaarradda Taiwan ee Hargaysa, xeer ilaaliyeyaasha, gar-sooreyaasha qaranka, xubno ka socday baarlamaanka Somaliland, iyo masuuliyiin kale.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa shirkaasi iyo waxyaabihii lagaga hadlay, iyo sidoo kale u jeedadii laga lahaa qabashadda shirkaasi, kaasoo ay furtay wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL Maxamed C/laahi Ducaale, oo furitaankii kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaradda deegaanku ay qaranka u qaabilsan tahay ilaalinta dhamaanba khayraadka dalkan jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaas darteed na ay wasaaradu heshiis dheer kula jirto haayadda CCF, oo wasaaradda kala shaqaysa sidii loo ilaalin lahaa ugaadha Somaliland ku nool gaar ahaana Harimacadka. Waxaanu yidhi, “Wasaaradda Deegaanka JSL waxay u xil-saaran tahay ilaalinta dhamaanba khayraadka dalkan jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, wasaaradu waxay heshiis dheer kula jirtaa haayadda CCF, oo wasaaradda kala shaqaysa sidii loo ilaalin lahaa, ugaadha Somaliland ku nool, gaar ahaana Harimacadka.

 

Muddooyinkii ugu danbeeyay, waxay wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda CCF ka wada shaqaynayeen sidii loo bad-baadin lahaa, isla markaana looga hor tegi lahaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee Ugaadha Somaliland ku nool”.

Maxamed C/laahi Ducaale, waxa kaloo uu ka warbixiyay u jeedadda shirkaasi loo qabtay, iyo sidoo kale qorshaha ugu muhiimsan ee wax lagaga qaban karro joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.

“Shirkan aynu maanta (6-dii bishan) isugu nimid wuxuu waddada u furayaa, inagoo ka duulayna in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ka ganacsiga sharci darrada ah ee Ugaadha, wax lagaga qaban karraa ay tahay, marka iskaashi laga sameeyo, gaar ahaana dhulka ay ku nool yihiin bulshadu” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Geesta kale agaasimaha guud waxa kaloo uu sheegay in safar uu dhawaan ku tegay dalka Kenya, gaar ahaana magaaladda Nairobi, uu kaga qayb galay shir heer caalami ahaa, isla markaana ay booqdeen xarumaha Ugaadha lagu xanaaneeyo ee dalka Kenya, iyo waxyaabihii ay dalka Kenya ku soo arkeen ee la xidhiidhay ilaalinta iyo daryeelka duur joogta.

Agaasimaha oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Muddo hadda laga joogo laba bilood, waxaanu safar ku tagnay dalka Kenya, anigoo ka mid ahaa masuuliyiin iyo saraakiil badan oo ka socday jamhuuriyadda Somaliland oo haayadda CCF-na ay na la socotay, waxaanu booqasho ku tagnay xarumaha waaweyn ee Ugaadha dalka Kenay, lagu hayo.

Waxyaabihii aad ka u cajiibka ahaa ee aanu halkaa ka soo barranay waxaa ka mid ahaa, sida bulshadda ku nool deegaamadaasi u ilaaliyaan duur joogta, isla markaana ay u arkaan in Ugaadha ay tahay sida carruurtoodda oo kale.Waxaana ta loo baahan yahay in ay fahmaan dadkeena reer Somaliland. Waayo? Waa qayb ka mid ah nolosheenna in aynu ilaalino duur joogta. Mustaqbalka na waxay qayb weyn ka qaadan doonaan dhaqaalaheenna. Dalxiiseyaal badan ayaa inoo iman doonna, arrinkaasi na runtii dhiiri gelin weyn ayuu na siiyay”.

Dhinaca kale Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa u mahad celiyay wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo uu ku tilmaamay in ay tahay khabiir aqoon dheer u leh arrimaha deegaanka, iyo duur joogta, iyo sidoo kale bahda gar-soorka, iyo xeer ilaalinta ee maxkamadaha dalka.

Sidoo kale agaasimaha ayaa u mahad naqay dawladda Tiawan, oo ay dhawaan wasaaradda Deegaanka kala saxeexdeen heshiis la xidhiidha in ay ka gacan siiso qorshaha la doonayo in lagu rarro Ugaadha ku jirta xeryaha ay wasaaradu maamusha ee  ku yaalla magaaladda Hargaysa, marka loo rarrayo duur joogtaasi xarunta xanaanaynta duur joogta ee laga dhisayo deegaanka Geed-deeble.

“Waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad naqo, wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka Cimiladda JSL, oo shaqadan muddo dheer ka soo shaqaynaysay, oo bar-bar is-taagtay,  oo si fiican ula shaqaysay dhamaan ba wasaarradihii, iyo haayadihii, arrintaasi nagala shaqaynayay.

Sidoo kale waxaan halkan uga mahad celinayaa bahda gar-soorka, haday tahay xeer ilaalinta, haday tahay maxkamadaha, oo runtii iyagu na aad noogala shaqeeya dacwadaha ku saabsan dadka sida sharci darrada ah uga ganacsadda duur joogta dalkan jamhuuriyadda Somaliland ku nool.

Waxa kaloo aan jecelahay in aan halkan uga mahad celiyo, wasaaradda ganacsiga, oo iyadu na runtii si dhaw noogala shaqaysa arrintani.

Sidaa si la mid ah asxaabtayadda kale oo Taiwan ka mid tahay, oo iyada na aanu dhawaan heshiis kala saxeexanay, ay ku keenayso dad si mutadawacnimo ah uga caawinaya wasaaradda Deegaanka, iyo haayadda Cheetah Conservation Fund, marka la rarrayo Ugaadha, maadaama oo sida aad ka war-qabtaan xarun weyn oo lagu ilaalin doono Ugaadha, ayaa laga furayaa deegaanka Geed-deeble, hawshaasi oo muddo socotay, iyaga na waan uga mahad naqaynaa hawshaasi.

Sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa qof kastoo bulshadda reer Somaliland oo arrinta ilaalinta Ugaadha ka qayb qaatay” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaal

Leave a Reply