Wasiirka Caafimaadka oo Xadhiga ka Jaray Qaybta Adeega Degdega ah ee Cisbitaalka Hargeysa oo Dib u Habayn Lagu Sameeyey

0
213

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa shalay xadhiga ka jaray qaybta  qaybta adeega degdega ah ee Cisbitaalka guud ee Magaalada  Hargeysa oo dib u habayn lagu sameeyey.

Wasiirka  Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in ay maalgalisay Hay,adda khayriya ee Kuwait  dib u habaynta lagu sameeyey qaybta adeega degdega ah ee Cisbitaalka Hargeysa.Waxaana uu yidhi”Waxa aynu  ku dadaalaynaa in aynu helno Cisbitaalo kale,waxaana Maalgalisay dib habayntan lagu sameeyay qaybta gargaarka degdega ee Cisbitaalka Hargeysa  Hay,adda khayriya ee Kuwait,”.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in la ilaashado qaybta adeega degdega Cisbitaalka Hargeysa.Waxaana uu yidhi”Waxa weeye  in aynu ilaashano had iyo jeer waxa loo haystaa waxa dawlada leedahay    looma ooyaan iyo wax aan cidiba la hayn,waa meel  Caalamka  la jaan  qaadaysa,”.

Agaasimaha guud ee  Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa waxa uu sheegay in dib u eegi doonaan baahida Shaqaalaha Cisbitaalka Hargeysa.Waxaana uu yidhi”Waxaana aanu dib u eegi doonaa  shaqaalaha  Cisbitaalka guud ee Hargeysa in loo kordhiyo wixii loo kordhin karo,”.

Sidoo kale Safiirka dalka Taiwan u fadhiya Somaliland Ambassador Allen C. Lou

oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in Wasaarada Caafimaadka kala shaqeeyaan   wax kasta oo lagu horumarinayo adeegyada Caafimaadka.

 

 

Leave a Reply