Xarunta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Gobolka Daadmadheedh oo la Daahfuray

0
248

Oodweyne (Dawan) Masuuliyiinta wasaradda horumarinta gaadiidka iyo jidadka   Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis cusub oo ay wasaraddaasi ku yeelan doonto Magaalada Oodweyne ee  xarunta Gobolkaasi Daadmadheedh.

Guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh Maxamed Daahir Xayd iyo isuduwaha wasaradda horumarinta jidadka iyo gaadiidka ee gobolkaasi Daadmadheedh Axmed Cismaan Maxamed, waxaanay si wado jir ah uga warameen ahmiyada xafiiskaasi cusub u yeelan doono bulshada deegaanadaasi ku nool, iyadoo uu dabooli doono baahidii xagga gaadiidka shacabka gobolkaasi Daadmadheedh iyo magaalada Oodweyne u qabeen uu si habsami leh u dabooli doono, halka sidoo kalena, guddoomiyaha gobolkaasi Daadmadheedh uu kula dardaarmay dadka gaadiidleyda ah in ay iska soo diwangaliyaan xafiiskaasi cusub oo ay qaataan liisamadda, cashuurta ku waajibteyna bixiyaan.

Dhankiisana, wasiir ku xigeenka wasaradda horumarinta jidadka iyo Gaadiidka Somaliland   Cabdinaasir Caydiid Maxamed, ayaa faahfaahin ka bixiyey ahmiyada xafiiskaasi u yeelan doono bulshada ku dhaqan gobolkaasi daadmadheedh,halka sidoo kalena uu balan qaadey howshii  sahaminta wadadaasi  isku xidhi doonta gobollada Daadmadheedh , Togdheer iyo Maroodi-jeex  bilaami doonaan horaanta bisha saddexaad soo socota.

Gabo’gabadiina,wasiir ku xigeenka wasaradda horumarinta jidadka iyo Gaadiidka waxa uu shacabka ku dhaqan gobolkaasi Daadmadheedh kula dardaarmay in ay cashuurta ku waajibtey iska bixiyaan,si ay u helaan adeegyada lagu kobcinayo kaabayaasha horumarinta adeegyada kala gedisan ee Bulshada.

 

Leave a Reply