Saadaasha Wanaagsan Ee Ganacsigu Waa Muhim!

0
247

Steve Rothstein waa nin u dhashay dalka Maraykanka,  sanadkii 1987,  ayuu ka iibsaday shirkada dayuuradaha Maraykanka tigidh lagu magacaabi jiray Golden Ticket ( Tigidhkii Dahabka ahaa) kaasi oo qiimihiisu dhamaa 250 kun doller.

Tigidhkaasi ayay shirkaddu u ogolaanaysay qofka iibsada inuu ilaa inta uu nool yahay meel kasta Dayuuradaha shirkadda ugu safri karo isagoon wax lacag ah bixin. Waxa kale oo uu isla wakhtigaasi iibsaday tigidh kale oo isna ahaa 150 kun doller oo ah haddii qof kale kugu wehelinayo safarkaaga inta aad nooshahay.

Steve ayaa mudadaasi ku duulay 10 kun oo duulimaad, oo uu meel kasta ku tegay muddo 20 sano gudahood ah.  Shirkadda ayaa tigidhka ninkaasi ku khasaartay ka dib markii uu duulamaadyadiisu gaadheen lacag  dhan 21 Malyuun oo doller.

Sidaa darteed Shirkadda ayaa tigidhka noocan ah oo hore faa’iido ugu arkaysay baabiisay isticmaalkiisa sanadkii 2008, laakiin Steve ayaa maxkamadda u dacwooday isagoo soo bandhigay in shirkada heshiiskeedu ahaa ilaa inta uu ka dhimanayo inuu ku duuli karo. Maxkamadda ayaa Shirkadda ku xukuntay in ninkaasi tigidhkiisa loo celiyo oo weliba lacag loogu daro. Waxa wanaagsan in gancasiga aad si wanaagsan dakhligiisa u saadaaliso ka hor inta aanad usoo bandhigin  macmiisha arrimo caqabad weyn kugu noqda..

Leave a Reply